Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dardaarankii Ugu Dambeeyey Osama Bib Ladin U Jeediyey Xaasaskiisa Iyo Caruurtiisa

Wednesday - May 4, 2011

Kuwait- Hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin ayaa la xaqiijiyey in bishii December sanadkii 2001-dii uu dardaarankii ugu dambeeyey u jeediyey caruurtiisa iyo xaasaskiisa sida uu qorey mid ka mid ah wargeyska ka soo baxa wadamada Carabta.
Document ka kooban afar bog oo uu daabacay wargeys ka soo baxa wadanka Kuwait ayaa la xaqiijiyey inay ahaayeen dardaarankii Osama Bin Ladin uu u jeediyey qoyskiisa, isagoo si gaar ah ula hadley caruurtiisa kuna yiri: Caruurteydiyey, waxaan idinka raaligalinayaa inaan idin siiyey waqtigega in yar, maxaa yeelay waxaan ka jawaabayaa dalabka Jihaadka ee nalagu waajibiyey".

Wargeysku wuxuu qorey in Osama caruurtiisa ku yiri sidoo kale "Aad ayaan uga xumahay inaan idin dayaco" taasi oo aheyd fariintii ugu dambeysay ee uu u jeediyo, isagoo fariintaasi markii uu siiyey caruurtiisa & xaasaskiisa galay dhuumasho isagoo ka baxsaneyey ugaarsiga uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu beegsanayo Hogaamiyaha Al-Qaacida Osama Bin Ladin.

Osama waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in uu xaasaskiisa ka codsadey inaan guursan hadii uu geeriyoodo isagoo sheegay in looga baahan yahay inay koriyaan caruurta ay dhalaan, isagoo sheegay in uu doonayo in uu Jihaad galo oo uu shahiido, isla markaana wuxuu sheegay in uu doonayo in uu burburiyo Mareykanka iyo Isra’il.

Fariinta Bin Laden uu u jeediyey xaasaskiisa wuxuu ku yiori "Ha iskui dayayina inaad guursataan, u hurua waqtigiina iyo nolashiina inaad korisaan caruurtiina, kuna jihaysaan jihada saxda ee la idinku waajibiyey”.