Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Mahaatiiri Mxamed: Dilka Osama Bin Laadin Ma Ahayn Argaixiso La Dagaalan Ee Waxay Ahayd Ka Aargoosi

Wednesday - May 4, 2011

Mar u Mahaatir Maxamed Raiisal Wasaarihi Hore ee dalka Malesiya uu goob xaflad maamuus kutub ka bixinaayey ayuu halkaas ku soo hadal qaaday dilki Osama bin Laadin isagoo ku sifeeyey khaarajintiisa iney ahayd mid ku saleysneyd aargudasho dhacdadi Septembar 11 ee xaqiiqada ma ahayn argagixiso la dagaalan, isagoo intaas si raaciyey in mabda'  dilku usan hakiin argagaxnimada. 

Mr.Mahaatiiri Maxamed ayaa warka faaladiisa Bib Laadin raaciyey in u ahaa nin Mareykanka ay mudo ku raad joogeen, hasa ahaate dariiqa loo maray ma ahaayn mid sharci ah, ma ahayn ayuu yiri inta askar loo diro la yiraahdo rasaas ku soo maansheeya iyado la helikarey in la qabto weliba xiligi la dilaayey u ahaa Ruux aan hubeysneyn, waxaase laaqi ahayn oo akhlaaqda ka baxsan in qaladkaas dhacay qalad kale laga sii daba geeyo oo meydkiisa hadana bada lagu tuuro.