Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Gabar 1O jira Ah Oo Afar Luqood Kaga Turjumta Midowga Yurub

Wednesday - May 4, 2011

Alexia Sloane waxay lumisay araga indhaheeda iyada oo 2 sano jir ah ka dib markii uu ku dhacay cudur xaga maskaxda ah kaas oo sababay in ay waydo guud ahaan araga indhaha oo ayna waxba arki karin, laakiin taasi may lumin mustaqbalkeeda oo gabadhani hada waxay soo jiidatey indhaha caalamkaka dib markii ay turjubaan ka noqotey Baarlamanka midowga Yurub.

Inkasta oo Alexia Sloane ay shaqo aad u heer sareysa oo dakhli fiican ka soo galo ay haysato hadana wali waxay sii wadataa waxbarashadeeda waxana ay kaalinta koowaad ka heshay waxbarashada heerka dugsiga sare ee wadanka Ingiriiska ee loo yaqaan GCSEs iyada oo si aad u sareya u taqaan luuqadaha Faransiiska, Spanish-ka iyo luuqada ay u dhalatey ee English-ka waxana ay haatan barataa luuqadaha Carabiga iyo Ruushka. Todobaadkii la soo dhaafay ayey tagtey magaalada Brussels ee caasimada wadanka Belgium, halkaasi oo ay ka bilowday turjubaan ay ugu shaqeynayso midowga Yurub, ka dib markii ay ku guuleystey abaal marin uu bixiyey midowga Yurub oo ku aadan ilmihii ugu aqoonta fiicneyd taasi oo lagu gudoonsiiyey xaflad bulsho.

"Waan jeclahay barashada luuqadaha, luuqadaha Spanish-ka iyo Fransiiska waxay ii ahaayeen fududeyd in aan barto, laakiin waxan ka dareemay adeyg ama culeys Luuqadaha Shiinaha waayo in aad heshaa ton-ka ama codka luuqada sida ugu wanaagsan" ayey tiri Alexia oo ka sheekaynaysay barashadeeda luuqadaha.

Alex waxay sheegtey in hadii aanay jirin luuqada la barto in ay adkaan laheyd in aduunka wax laga ogaado, taasina aheyd sababaha ay u dooratey barashada luuqadaha. “Markii aan jirey 6 sano ayaan hooyadey u sheegay in aan doonayo in aan barto luuqad kale, markaasi ayay i tiri waa hagaag, ka waran luuqada Shiinaha ka dibna sidaasi ayaan ku bilaabay waxana xiligaasi ii qorsheysneyd in aan barto oo ku xijiyo luuqadaha Carabiga iyo Ruushka, Ayay tidhi Alexia Sloane.

Alexia oo 10 sano jir ah waxay noqotey qofkii ugu da’ada yaraa ee turjubaan ka noqda Baarlamanka Midowga Yurub ee ku yaal magaalada Brussels ee caasimada wadanka Belgium

Source mcaasimadda.com