Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mudaaharaad Ka Socda Laascaanood Iyo Xaalada Magaalada Oo Qasan

Thursday - May 5, 2011

Laascaanood: Banaan bax ka dhashay xadhiga nin wadaad ah oo ay xireen ciidamada Somaliland ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Banaan baxani ayaa ay isugu soo bexeen dadka magaaladaas ka dib markii ay soo baxday xariga mid ka mid ah culimada magaaladaas oo ay ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen waxaana ay dadkani u badnaayeen arday iyo Haween,

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayay socod ku mareen dadkani iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Somaliland,inkastoo dadkii isku soo baxa waday ay halkaasi ku kala cayriyeen ciidamada somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood iyadoo sida wararku nagu soo gaarayaan u adeegsaday xabado rasaas ah si ay u kala cayriyaaan .

Ciidamada Soomaaliland ayaa wadaadka ay qabteen ku eedeeyay in uu ka dambeeyay falalkii qorsheysnaa ee lagu wax yeeleeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada somaliland ee ku sugan Laascaanood, iyo falal kale.

Sikastaba ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ee laga helo Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay ku qulqulayaan ciidan tiro badan, waxayna sida ay noo sheegeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan xaaladu tahay mid aad u kacsan ayna dadku si aad ah uga caroodeen xadhiga wadaadka ay ciidamada Somaliland u geysteen.