Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Usaama Bin Laadin Sideey Mareykanka Ku Helen

Friday - May 6, 2011

Islamabad/ Washington: Waxa aad u badan wararka ku saabsan dilki hogaamiyihi ururka Alqaacida Usaama Bin Laadin oo uu ku dhawaaqey madaxweynaha Mareykanka Barak Obama, waxaana arinta dilkiisa ka jira dood iyo muran badan oo ku saabsan ma la diley Usaama mise horu u dhinsanaa oo Mareykanku Mayd ayuun bay ku faanayaan?

Taa intaan laga jawaabin bal horta aan eegno sida lagu heley oo ay leeyihiin warar saxaafada caalamka qaarkeed oo ka soo heshay ilo sirdoon ah, gaara haan wargayska Alquds Al Arabi, AFP, AP, Aljazeera, Alarabiya iyo kuwo kale.

Intaba marka warkooda la soo koobo waxa ay isku waafaqsan yihiina in la qaato waxaa ka mid ah:
In CIA-da Mareykanku ay Afar sano ka hor dadka ay Guantanamo Bay ku hayeen qaar ka mid ah ay ka heleen nin suxufi ah oo Usaama ku kalsoon yahay hawlihiisana badanaa qabta, sida warka laga xigtayna sawirka ninka ayey sheegeen laakiin magaciisa ma aanay sheegin, markaas kadib waxa ay bilowdey dhismo koox u qaabilsan qabashada Bin Laadin ama dilkiisaba oo dabadeed halkaas ay dabagal ku sameeyeen.

Ugu dambayntii ninkaas oo isaga naftiisu aad isku ilaalainaayey waxa ay heleen telefoon uu ku hadlay taasina waxa ay qaadatey waqti in ay helaan, bishii August ee sanadkii 2010 waxa ay heleen ninkaas suxufiga lagu sheegay qaarna ay badhiwale ku sheegeen ama qofka waraaqaha qaada iyo walaalkii oo ay wada nool yihiin.

Waxay ogaadeen in ay degan yihiin guri weyn oo sadex dabaq ah oo ugu yaraan laba deyr ku wareegsan yihiin oo leh laba albaab oo loogu talo galay hadii ay dhib dhacdo in si qarsoodi ah dadka ku jiraa uga bixi-karaan deyrarkana silig xayir qodax lihi ku wareegsan yahay.

Waxaaney khubaradii CIA-du qiimeeyeen guriga lacagta ku bixi-karta waxaanay noqotey ama ku qiyaaseen milyan doolar iyo dheeraad .. wareysiyadii waxa ay ku heleen in labada nin ee walaalaha ah ay dhawaan soo dageen guriga nin reer Bashtun ahi uu Shan sano ka hor dhistey kana dhisey magaalada yar ee dalxiiska loo tago ee la dhaho AbotAbad una dahw yahay Akadeemiyada milatariga Bakistaan ugu qiimaha badan una jiro wax aan ka badnayn 91 mitir.

Bishii Maarso ee sanadkan waxa ay heleen maclumaad kale oo cusub oo ah in guriga ay qoys kale oo shiikh dheeri ka mid yahay iyo caruur iyo dumar ay guriga ku nool yihiin, waxaa kale oo dareenkoodii soo jiitey guriga lacagtaas badani ku baxdey oo aan hada telefoon iyo internet midna lahayn.

Waxaa kale oo ay ka sii yaabeen guriga oo aan maalina qashin laga soo saareyn oo markii ay sii raadiyeen ay ogaadeen in la gubo maadama gurigu uu ku fadhiyo isaga iyo deyrarkiisuba dhul aan ka yarayn sadex kilimitir.