Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maamulka Puntaland Oo Mamnuucay In La Shaqaaleeysiyo Askariga Cuna Qaadka

Saturday - May 7, 2011

Askar gaareysa 77- ruux oo ka tirsanaa ciidanka maamulka degmada Boosaaso ayaa shalay tababar loogu soo gaba -gabeeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,taasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin aad u badan oo dowladda ka tirsan.

Talliye ku xigeenka ciidanka booliska iyo asluubta Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay munaasabaddaasi ayaa sheegay in mamnuuc ay tahay in askari qaad cuna uu bulshada u shaqeeyo.

"Ciidanka Puntland uma shaqayn karo askari qaad cunaya ,sababto ah waxaa yaraanaysa masuuliyadda uu u hayo dadka "ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo khudbad dheer ka jeediyay xafladda tababarka loogu soo xirayay askarta. Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in Puntland ay masuuliyad iska saari doonto sidii askarta looga wacyi galin lahaa qaadka oo la sheegay in dhibaato wayn uu ku hayo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

"Ciidamada dowladda diyaar ayey u yihin in ay ka hortagaan khatar soo wajahda amniga ,mana aqbalayno in Puntland la carqaladeyo "ayuu mar kale ku sheegay waraysi uu siiyay qaar kamid ah warbaahinta. Sidoo kale taliye ku xigeenka ayaa askarta ugu baaqay in markasta ay ka fiijignaadaan weeraro uu ku tilmaamay kuwa lagu khalkhal galinayo amiga degmooyinka gobolka si ay uga hortagaan.

Ugu danbayntii askartii ugu badnayd ayaa maalmihii ugu danbeeyay tababarro loogu soo gaba -gabeeyo degmada Carmo si ay uga howlgallaan magaalooyinka kala duwan ee Puntland