Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al-Shabaab Oo Laga Cabsiqabo Iney Dib U Qabsadaan Degmooyinki Gobolka Gedo

Sunday - May 8, 2011

Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa ah mid ay ka deyrinayaan dadka iyagu ka soo horjeeda Al-shabaab oo ay ka cabsiqabaan in goobihi horay laga xoreyey al-shabaab ay dib ugu soo noqdaan, ma daama ayey yiraahdeen wararka ka imaanaaya askarta iyo saraakiisha Dawlada u khilaaf iyo muran ciirka isku shareeray soo kala dhex galay, taaso saameysay hawlgaladoodi iyo joogitaankoodi goobihii ay xoreysteen.

Waxaa warku sheegaya in khilaafkaas awgi ay ciidamadi dawlada isaga soo baxeen degmada ceel-waaq oo u soo jiheysteen xagaa iyo Belad Xaawo, isla markaana la sheegay in tuulada Busaar istaraaijiyada u ah gobolka gedo una dhaxeysa Baardheere iyo Ceelwaaq ay dib u qabsadeen Al-shabaab oo hadda ay ku soo socdaan halkii ay isaga baxeen Ciidamadi DKM ee degmada Ceel Waaq, waxaa kalo la saadaalinaya iney magaalo madaxda gedo garbahaarey ay shabaabku gacanta ku dhigi-doonaan ma daama ay maleeshiyada shabaabku hadda isku abaabulayaan degmada Buurdhuubo oo labaatan Km u jirta Garbahaarey.