Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gabayaagi Yemen U Dhashay Ee Carrabka Laga Jaray Oo Wadanka Urdun Loo Qaaday

Monday - May 9, 2011

Gabyaagii Carrabka laga jaray oo loo qaadayo dalka Urdun si carrab loogu talaalo, oo sida la sheegay Kooxo aan haybtooda la garanayn ayaa waxa ay Talaadadii aynu soo dhaafnay caasimada dalka Yemen ee Sanca gaar ahaana wadada Ticis ka afduubteen gabyaaga caanka ah ee Yemenig ah ee la yiraahdo Waliid Maxamed Axmed Alrumayshi,waxayna u ka xaysteen guri ku yaal magaalada Sanca halkaas oo ay dabadeed carrabka kaga jareen.

Falkaan ayaa damiirka shacabka Yamanta aad uga xumaaday kuna tilmaamay xadgud waxshnimo ah oo loo geystay gabyaagaas caanka ku ah wadanka yaman iyo gaar ahaan shucuubta wadamada carabta oo gabayaagaas la dhacsanaa, waxaana la tuhunsanyahy in shirqolkaan ay ka dambeeyeen mooryaan ku tolan Madaxweyne Cali Cabdala Saalax oo diidan gabayadiisa kacdoon.