Sir-doonka Pakistaan Oo Beeniyey Inusan Mareykanka Dilin Osama Bin Ladin
Tuesday - May 10, 2011
Warar sir ah oo laga helay hay'ada sir-doonka Bakistan ISI " Inter-services iInteligence" ayaa daaha ka rogay in ciidamada Mareykanka ahaa ee galay guriga u ku noolaa Usama Bin Ladin ee magaalada Abottabad aanay iyagu dilin hogaamiyaha al-qaacida Usama Bin laadin.
Sir-doonka Bakistan waxay sheegeen in cida dhab ahaan toogatay ay ahayd waardiyihiisa garka ahaa, oo horay ugu tababarnaa hawl noocaan ah, isla markaana amar ku qabay in marka ay u cdaato in Usama isaga oo nool gacanta lagu dhigo uu isagu is dilo si looga hortago in nolosha ugu gacan galo ciidamada Mareykanka, Warkaan waxaa u sir-doonka Bakistan, oo ka mid ah sirdoonada ugu awooda badan dunida ka soo baxay maalinti Axada
Warkaan cusub ee ka soo baxay Bakistan, waxaa xoojinaya war uu horay u sii daayey Nin hore gacan yare ugu ahaan jiray Usama oo mareykanka dhawr sano ka hor qabteen, Ninkaasi waxa u ku celceliyey in ilaalada gaarka ah ee Usama Bin Laadin ay amar ku qabaan in ay dilaan haddi xaalku ku adkaado oo ay cadaato inu mareykanka u gacan galaayo, waxa kalo warkaan xoojin-kara mareykanka oo illa hadda ka warwareegaya inu si daayo filimada laga duubay hawlgalka lagu dilay Usama iyo weliba muuqaalki Usama Bin Laadin