Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Itoobiya Oo Koronto U Dhoofin-doonta Jabuuti

Wednesday - May 11, 2011

Adis-Ababa: Dalka Itoobiya ayaa bishaan May bilaabaya inu koronto u dhoofiyo dalka jamhuuriyada ee Jabuuti,oo khadka korontada itoobiya ku xirmaaya jabuuti ayaa la dhameystiray biishi Novmber ee sanadki tagay,waxuuna hada ku jira tijaabadi ugu dambeysey sida u warbaahinta u sheegay madaxa isku xirka khadadka iyo dhismaha xaruumaha yar yar ee korontada mr.alemayehu wubesshet.

Mashruucaan waxuu qayb ka yahay barnaamij ay dawlada itoobiya dooneysa inu isku xiro sagaal dal oo ku yaal gobolka bari afrika " Wxaanu qorsheyneynaa in dhamaadka biisha May aanu koronto u dirno Jabuuti, sidaas waxaa yiri Alemayehu isagoo intaa raaciyey in korontada ay itoobiya u dhoofineyso jabuutti ay gaareysi 30megwatts.

Itoobiya, ayaa qorsheyneysa in shanta sano ee soo socota kadib ay soo saarto koronto dheeraad ah oo gaareysa 8000 Megawatts,taaso inteeda badan laga soo saari-doono biyo- xireenada laga dhisay dalkaas.

Raiisal wasaaraha Meles Zenawi ayaa biishi tagtay ee April 2011 dhagax dhigay biyo-xireen lagu magacaabo " Biyo xirka dib u curashada Itoiya" kaaso marka la dhiso soo saari-doona koronto gaareysa 5250 megawatts, waxaana mustaqbalka dhaw la filaya iney itobiya noqoto dalka labaad ee ugu koronto soo saarka badan qaarada afrika .. Dalka kowaad ee ugu horeya dhanka korontada qaarada afrika ayaa ah dalka Jamhuuriyada Kongo.