Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamada Cirka Ee NATO Oo Ka Hawlgalaya Gudaha Somaaliya

Thursday - May 12, 2011

Gaashaanbuurta NATO ayaa la sheegay in ay qorsheeynayaan in Weeraro cirka ah ay ku qaadan Gudaha dalka Somaaliya  sida laga soo xigtay Madax sare oo ka tirsan Wadamada ku jira Gaashaanbuurta NATO.

Raizul Wasaaraha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo ka qeyb galay Shir ka dhacay Dalka Biljamka ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay qorshaha Gaashaanbuurta Nato ay ku doonayso in ay weeraro ku gaysato Dalka Soomaaliya gaar ahaan Goobaha ay heestaan ama maamulaan Kooxda Al Shabaab.

Vladimir Putin waxaa uu intaa ku daray in Kulankii ka dhacay Baraasalis ayna yeesheen Saraakiisha dhinaca Amaanka ee ee NATO la isku raacay in weeraro iyo Duqeymo ay NATO ka geysato Gudaha Dalka Soomaaliya hadii loo baahdo ayna sida ugu dhaqsaha badan ay u fulin doonaan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in NATO iyo Midowga Yurub ay si weyn ula dhacsanyihiin ayna taageersanyihiin Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Hawlgalada u jooga gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ka soo yeeray Gaashaan Buurta NATO ayaan la ogeyn sida uu u fuli doono iyo meelaha ay weerarda ka geesan doonaan,NATO ayaa iminka ka hawlgasha Dalka Afganistaan sidoo kale waxa ay hada Duqeymo hawada ah ka geesanayaan Dalka Liibiya ay ku doonayaan in xilka kaga tuuraan Hogaamiyaha Dalka Liibiya Muamar Qadaafi.