Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Haweyney Beer Naxa Lahayn Oo Sumeysay Gabadheedi Iyo Ninki Qabay Habeenki Aqal-galkooda

Sunday - May 22, 2011

Sida u qoray wargeys ka soo baxa cariga Masaarida ee la yiraahdo al-fajar ayaa bogiisa dhacdooyinka ku sheegay in gabar la yiraahdo Ridha Abu Coof 22 jir iyo wiil isagana magaciisa lagu xusay Axmed Yaxye 25 jir habeenki aqalgalkooda ay ku sumoobeen cabitaan sharaab casiir oo loo si dhigay miski salootada, dabadeed markii ay isu shubeen casiirkii oo ay cabeen ayey halkii ku wada sumoobeen iyadoo gabadhi ay durbadiiba nafti ka baxday wiilki caruuska ahaana si dirqi ah ku badbaday markii si xoog leh lola tacaalay.

Poliska oo goobti dhibku ka dhacay u soo gurmaday ayaa baaris ku ogaaday in qofka falka geystay ee sunta ku ciil baxay ay tahay hooyada gabadha dhashay oo ka xumeyd guurka wiilkaas gabadheeda guursaday, waxaana la hubiyey in hooyada ay gabadheeda in badan kula murantay inaan tashiga guurka la dhaafsin arooska ninkaasna uga digtay, laakiinse gabadhi oo indhaha iska soo rideysa ayaa ku adkeysatay iney ninkaas guurkiisa u darbantahay oo ay  dooneyso, arinkaasoo lays la garanwaayey hooyadi ay ka carootay oo dabadeed falkaas geysatay iyado aan ka fiirsan dib waxay noqon iyo godka naareed.