Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Danjire Mr. Rob Macaire: Somaliland Waa Qayb Somaaliya Ka Mid Ah

Friday - May 27, 2011

Nairobi – Danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ambassador Mr Rob Macaire ayaa maanta markii uu gebo-geboobay shirkii Qaramada Midoobay ay u qabteen Arrinta Soomaalida wuxuu sheegay inay Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah isla markaana Wasiiradda Somaliland ee Nairobi jooga ay u yimaadeen sidii Xalka Soomaaliya ay qayb uga qaadan lahaayeen.
Ambassador Mr Rob Macaire wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaalida haysatay 20 sannadood ee ugu danbeeyey ay ugu wacnayd wuxuu ku tilmaamay kala qaybsanaan Soomaalida dhexdeeda ku jirtay wuxuuna sheegay inay bulshada Caalamka iyo Qaramada Midoobay ay ka go’antahay in ayuu yidhi si dhab ah loola xisaabtamo Siyaasiyiinta Soomaalida.

Ambassador Mr Rob Macaire wuxuu sheegay inuu la kulmay Wasiiradda Somaliland xallay wuxuuna sheegay inay si wanaagsan iskugu af-garteen inay Somaliland qayb weyn ka cayaarto sidii Soomaalida la iskugu keeni lahaa, isla markaana ay Somaliland noqoto door weyn oo Soomaaliya oo dhan midaysa.

“Waxaanu is aragnay Wasiiradda Somaliland xallay iyo maantaba si wanaagsan ayay u fahansanyahiin dhibta Soomaaliya oo dhan taalla waxaanu isla fahanay inay qayb ka noqdaan sidii dhibaatada Soomaaliya xal loogu heli lahaa, Somaliland waa qayb Soomaaliya ka mid ah oo door weyn ka cayaari karta in Soomaaliya qaranimadeedii iyo sharafteedii dib loo soo celiyo Wasiiradduna taasi way fahansanyahiin” ayuu yidhi Mr Rob Macaire.
 
Shirkii Golaha Amaanka QM ee maanta ka furmay mafgaalada Nairobi, ee dalka Kenya ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo sitoosa u hor istaagaya in Somaliland ay ka go’do dalka Jamhuriyada Somaliya,sidoo kale in Somaliland loo qaybiyo Sadex maamul oo Siman kuwaaso kala ah Somaliland-Awdal State Iyo Makhir State oo ay ku jirto qaybo kamida Sool-Sanaag-Cayn halka Somaliyana loo qaybiyey Lix Mamaamul goboleed oo Siman.

Shirka maanta ka furmay Nairobi oo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee dowladda iyo maamulada Soomaalida ee kala ah Somaliland, Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah .