Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Saci Guray Mubarak Oo Ku Ooyay Netenyahu Inu Dalka Ka Saaro Kadib Marki ObamaTalefonka Ku Karbaashy

Friday - May 27, 2011

Wargeyska Rose Al-Yousef Ee ka soo baxa magaalada Qaahira iyo cariga Masar ayaa si xog-ogaal ah iyo ilo muhim ka ogaaday in madaxweynihi hore Masar Xusni Mubaarak dhamaadki bishi Feb.2011 ku beegan maalmihi la yiri guriga ha ka bixin amase lagu xayiray u si gurguurasho qarsoon xiriir khadka teleefon la sameeyey inta badan madaxda reer galbeedka oo u kaga ergooday in gacan lagu siiyo sidi xukunka Masar dib loogu soo celin lahaa, waxayse jariidadu tiri warkaas ka soo yeeray Mubaarak madaxdi Yurub shaqalka ayey u taagen oo lagama hoos qaadin codsigaas, waxayna ku yiraahdeen markii la eego sharci ahaan iyo baratakolka ka jira beesha caalamka ma tihid madaxweyne sharci ah,sida darteeda geemkaas ma ciyaari-karno ee shiikhow aan kala raali noqono.

dabadeed Mubaarak waxuu abaaray madaxweyne Obama bal inu u godlado oo ka caawiyo waxa haysta, hasa-ahaate telefoonka lagama qaban oo waa lagu karbaashay, kadib isago weli soo taagan arinkaa ka xun ayuu telefoon uga ashtakooday raiisal wasaaraha israaiil Netanyaahu iyo madaxa sirdoonka Musad Mr.Tamir Baruudu isagoo islahaa intaad u tartay ha ku carrab qooyaan, waxuuna kaga caawday sida Obama ula dhaqmay isagoo isla markaa Raisal Wasaaraha  ka codsaday in dalka Masar laga saaro, laakiinse jawaabti waxay ku yiraahdeen mashruucaas waxay leedahay khatarteeda haddi aan kala hadalno taliska ciidamada Masar oo cawaaqibteeda ayaa la leefaya, teeda kale ayey yiraahdeen haddi kacdoonka Masar kugu ogaado inaan ku hiillinay gacal bey u heleyaan iney ku dhen-geddee-yaan ee Mr. Mubaarakow waxaad yeeleysa rag baa alle kaa dhigaye iska nasiibso oo arinkaaga ku baxnaani iimaan iyo samir, maradana isku giiji iyo sidi aad isaga difaaci-lahayd wax is daba marinta lagu soo oogay.