Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shariif Xasan "Sakiin" Oo Ka Codsaday Mahiiga In Shirka Lagu Qabto Meel Ka Baxsan Mogdisho-Dibada

Sunday - May 29, 2011

Nairobi- Kulan ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa xalay ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wakiilka xoghayaha guud ee arrimaha Soomaaliya dajire Augustine Phillip Mahinga.

Kulankan oo ka dhacay halkii uu deggenaa afhayeenka baarlamaanka ayaa socday muddo saacad ah, iyadoo wararka kasoo baxaya kulankaas ay sheegayaan in looga hadlay shirka ka dhacaya Muqdisho iyo doorashooyinka la filayo inay dhacaan inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

Sida wararku xaqqijinayaan waxaa carabka loo badinaya in Shariif Xasan uu ka codsaday danjire Mahinga in shirka Muqdisho lagu qabanayo loo wareejiyo meel kale, isagoo sabab uga dhigay in xukuumaddu ay dano gaar ah a leedahay shirkan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu codsaday in shirk lagu qabto meel aan ahayn Soomaaliya, balse lama sheegin goobtaas, mas'uuliyiintan ayaan la hadlin warbaahinta markii uu kulankoodu dhammaaday.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ku sugan Nairobi ayaa laga soo xigtay in dajire Mahinga uu sheegay in shirka ka dhacaya Muqdisho uu yahay mid khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda lagu xallinayo, ayna doorashooyinku dhacayaan xilligii loogu talogalay.

Qarammada Midoobay ayaa danjire Mahinga u wakiilatay inuu u matalo shirka bisha Juune lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, kaasoo ay qabanqaabadiisa waddo DKMG ah, iyadoo la sheegay in shirkaas lagu xallinayo khilaafyada jira go'aannana looga gaarayo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kuankaas kaddib u dhoofay dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu casuumaad ka helay madaxda dalkaas, uuna maanta kulammo la yeelan doono.