Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dawlada Qadaafi Ee Liibiya Oo Naf Lacaari Darti U Yeertay Dalka Israaiil

Monday - May 30, 2011

Tribuli-Dowladda Liibiya ayaa ugu yeertay dowladda israa’iil in ay wadanka liibiya ka furato safaarad iyo xerooyin laga koontaroolo dhaqdhaqaaqa siyaasada qaarada madow, hasa ahaate dowladda israa’iil ayaa la sheegay in ay ka biya diiday in ay wadanka liibiya xiligaan safaarad ka furato.

Ku xigeenka wasiirka wasaarada arrimaha dibada ee wadanka Liibiya Khaled Kaaim ayaa markii ugu horeysay ugu baaqay dowladda israa’iil in ay ka faa’iideysato fursada isaga oo sidoo kale ku-xigeenka wasiirka khiyaar cad ku siiyay israa’iil in ay ka soo fakirto ogolan-shaha ka soo yeeray dowladda Liibiya

Codsiga ka soo yeeray dowladda Liibiya ayaa ku soo beegmay xili hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Alqadaafi uu ka codsaday dowladda israa’iil in ay ka garab dagaalanto ciidanka wadanka liibiya taasoo ay u muuqato in mucamar al-qadaafi uu gargaar ka dalbanaayo israa’iil kadib markii duufanta iyo isbedelada siyaasada liibiya cirka ay isku sii shareereyso

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha wadanka israa’iil ayaa sheegay in ay iminka dowladiisu u bahneyn in ay safaarad iyo xarumo ka furato wadanka liibiya isaga oo sheegay in uu tix raacaayo diidmadii 2008 ay diiday dowladda Liibiya in wadankeeda laga furo safaarad laga leeyahay wadanka israa’iil."