Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madaxweyne Cali Cabdalla Oo La Sheegay Inu Isagu Ka Dambeeye Dagaalyahaniinta Qabsatay Gobolka Abyan

Monday - May 30, 2011

Sanca :Dagaalyahanno ka tirsan ururka Alqaacida ayaa la sheegay inay xoog ku qabsadeen  magaalada Zinzibar ee caasimadda Gobolka Abyan ee waddanka Yaman, kuwaasi oo la wareegay dhammaanba xafiisyadii dawladda, isla markaana si buuxda gacanta ugu dhigay guud ahaan magaaladaas.

Sida uu telefishanka Al-jazeera baahiyey xalay, ilaa 3 boqol oo dagaalyahanno lagu sheegay Al-qaacida ka tirsan ayaa xoog ku galay magaalada Zanzibar oo ku taal xeebaha koonfureed ee waddanka Yaman, iyada oo ciidammada dawladuna si dhib yar magaalada uga baxeen markii kooxaha dagaalyahannada ahi soo galeen, inkasta oo Aljazeera tabisay in aanay si dhab ah u xaqiijin karin in Al-qaacida la wareegtay magaalada Zanzibar saxaafadda dibada oo xayiraad lagu soo rogay awgeed.

Madaxweynaha wadanka Yaman Cali Cabdalla Saalix, ayaa isna sheegay in kooxda Al-qaacida la wareegayaan saddex gobol oo waddankiisa ku yaal, laakiin badanka dadweynaha Yaman ayaa aaminsan in kooxaha dagaalyahannada ah aanay ahayn Al-qaacida, balse yihiin dagaalyahanno hubaysan oo madaxweynaha laftiisu samaystay si uu beesha caalamka iyo waddamada reer galbeedka uga dhaadhiciyo in Al-qaacida qabsanayso Yaman, arrintaasi oo ay ku tilmaameen khiyaamo uu wado madaxweyne Cali Cabdalla Saalix.

Dadka arrintan shakiga ka muujiyey, ayaa ku doodaya in aanay garanayn sababta ciidammada dawladdu uga baxeen magaalada Zanzibar, kadib markii ay galeen kooxaha hubaysan, waxayna sheegayaan in aanay kooxdani Al-qaacida ahayn, laakiin yihiin kooxo madaxweynuhu ku doonayo inuu ku khaldo rayul-caamka.

Dhinaca kale, kooxda dagaalhayannada ah ee qabiilka Hashiid ee taageersan kooxaha mucaaridka ah, ayaa dagaal kulul kula jira ciidammada daacada u ah madaxweyne Saalax, iyada oo gadaaladaasina ka socdaan magaalada caasimadda ah ee Sanca oo laga maqlayey qaraxyo xooggan. Waxaana ilaa inta la ogyahay dagaaladaasi ku dhintay dad gaaraya ilaa 120 qof, halka kumanaan qof oo kalena ka qaxeen magaalada Sanca.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo taageeray qorshihii dhexdhexaadinta ee ay wadeen Golaha Iskaashiga Gacanka (GCC), ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in haddii talada xoog lagaga qaado ay wadanka Yaman qabsan doonaan Al-qaacidada ku dhaqan Jasiiradda Carabta, dhawaqaas oo la sheegay inuu yahay mid madaxweynuhu ku beer laxawsanayo wadammada reer galbeedka ee taageerada ku bixiya dhaqaalaha maaliyadeed iyo milatari ee lagula dagaallamo kooxda Al-qaacida.