Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Bakteeriya Fir-fircoon Xawli Ku Socota Oo Dadki Jarmalka Aafeysay

Tuesday - May 31, 2011

Todobaadkii hore dalka Jarmalaka waxaa ka dilaacay bakteeriya ay  u dhinteen dhowr qof taas oo la yiraahdo Enterohaemorrhagic Escherichia coli (EHEC) waxaana ay ku dhacdaa dadka iyo xayaawaanka dhiiga kulul.taas oo aafaysa min-dhicirada, waxaana laga qaada khudrada cayriin , tan hadda ku dhacday Jarmalka waxaa laga helay khudrada nooca loo yaqaano kom-koomarka iwm.

Wasaarada arinmaha gudaha ee Jarmalka waxa ay cadaysay toddobadkii hore ilaa iyo maanta in 14 qof ay u dhinteen bakteeriyadan Enterohaemorrhagic Escherichia coli (EHEC) sidoo kalena tiro dhan 300 oo qof oo ay aafaysey EHEC aay jiifan cusbutaalada. sidoo kale direkterka guud ee Cusbutaalka Jaamacadda Hamburg Jorg Debaten ka hadlay arintan waxa uu yiri sidan

"Cusbutaalada waxaa ku soo qul- qullaya boqolaal  bukaan jiifa oo bakteriyadani ay afaaysay, waana bakteeriyo fir-fircoon oo xawllli ku socota. waxaa jiifa cusbultaalkan oo kaliya 30qof oo kalyihu ay shaqo gabeen. Dad badan ayaan waayi doonaa, sidaa darteed waa in aan ka taxadirno inta ayna aafayn dhalinyaro badan oo ay bakteeriyadan daciifin doonto".

Bakteeriyadan waxa ay ku dhacda mindhiciradda ka dibna waxa ay curyaamisaa kalyaha oo xitaa waxa ay dishaa xididka LISAHA ee kalyaha qashin sidoo kale tuumbbooyinka lagu xiroo qofka jiran ee la raaciyo xiddida ayaa waxaa buuxiya dhiig badan..