Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wariye Somaali Ah Oo Shalay Barqadi Lagu Dilay Magaalada Johanesborg Kadib Markii Dhexda U Galay ...

Wednesday - June 1, 2011

K/Afrika-Wariye Soomaali ah ayaa Shalay Barqadii lagu dilley magaalada Johannesburg kadib markii uu dhexda u galay Tuugo iyo Police is Eryanaya .. Wariye Zaki oo mar ka howlgali jirey taleefishinka Horn Cable TV ayaa la sheegey in uu gaari ka soo dagayay markii ay tuugada oo cararaysay la kulmeen kadibna damceen in gaarigiisa ay ku baxsadaan maadaamaa ciidamada ay soo Eryanayeen.

Maxamed Axmed Sheekh Bashiir oo goob ganacsi oo uu leeyahay ay ka agdhowdahay meesha uu falka ka dhacay ayaa Saxaafada U sheegay in ninkii tuuga ahaa ee wariye Zaki dilley uu isaga istoogtey markii ay u cadaatay in uusan ka baxsan doonin ciidanka oo hareereeyey.

Dad kale oo xog-ogaal ah ayaa sheegey in markii tuugada ay damceen in ay gaarigiisa qaataan in uu ka reebtey furaha kadibna ay wadnaha ka toogteen.

Meesha uu falka ka dhacay waa meel u dhow faras magaalaha Johannesburg, xaafad ay Soomaalidu degto oo lagu magacaabo New Town oo Soomaalidu u taqaano Dacar.

Tuugada wariyaha toogatay ayaa ku joogtey gaari, kadibna waxaa joojiyey nin ciidanka wadooyinka ah, halkii ay joogsan lahaayeen ayay daaqada ka toogteen mid ka mid ah askartii joojineysay, waxaa gaariga eryadayaday gaari kale oo ciidanku lahaayeen oo arkayay waxa dhacayay, laakiin nasiib daro tuugada gaariga ayay Gidaar kula dhaceen, waxayna ku qasbanaadeen in ay lug ku baxsadaan, waana markaasi kadib marka ay wariyaha dileen.'

Arintan ayaa noqonaysa Arin lalal yaabo oo tuug fal ka dhex gaysanaysa Caasimada Dhexdeeda oo matalay Filim Holly Wooda,, waxa ayna tani muujinaysaa Amaan darada Xooga Badan ee ka jirta Guud Ahaan Wadan ka mid ah wadamada Afrika kuwa ugu horumarsan.