Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Khubarada Israaiil OoTiri Qunbulada Iraan Waxaa Nooga Daran Akhwaanka Masar Oo Shanshada Dhuuxa Raba

Wednesday - June 1, 2011

Rag Xarfaan Khubaro isku dhaf ah oo ay weheliyaan madaxda sar sare ee Sirdoonka Mosad oo ka soo jeeda dalka israaiil oo si qoto dheer ugu xeel dheer culuunta siyaasadaha istaraatijiyada caalamiga ayaa soo diyaariyey warbixin faahfaahsan lagu saadaaliyey saasaanta aayaha kacdoonada ka burqamay bariga dhexe, warbixintaaso ay u gudbiyeen dawlada u madaxa ka yahay raiisal wasaare Netaanyaahu aya la sheegay in lafahaantiisa ay soo jiidatay dareen cusubna galisay.

Wargeyska la yiraahdo Yediot Ahronot ee ka soo baxa dalka Yahuuda oo isagu warkaan ku daabacay bogiisa sare ayaa tilmaamay in culimada khubarada ah ay si aada u qaadaadhigeen dufaanada kacdoon saameynta ay ku yeelan-karan mustaqbalka dalka israaiil oo ku odoraseen in khatar cusub ay soo foodsaartay qaranimadi Israaiil siiba markii ayey yiraahdeen Masar wey ka sii beyrtay u dabranaanti wadadi nabada u horseedka u ahaan jiray madaxweynihi hore Xusni Mubaarak.

Wargeyska oo soo xiganaayey falaaqeynta khubaradaas, waxay qaabka lafa-guridooda iyo doodaha ay ka sameeyeeyn qoraaladaas ka yiraahdeen Qunbulada Iraan waa sheeko caruureed la buunbuuniyey, balse meesha khatarta ka jirto waa xaga akhawaan Musllimiinta Masar oo u miciyo lisaneysa iney gaadan shanshada dhuuxa leh oo ay ku micneyeen haa-haabsiga kursiga madaxtinimada dalkaas, dabadeedna halkaas ay ka dhisan xukun islaami ah oo ku saleysan qawaaninta shareecada islaamka, iyagoo yiri marka dambana waxay u biyeysan-doonaan jabka iyo hooga dawlada Yahuuda.

Kubaradaas oo loo aqoonsanyahay rag ku fara adeeyga danta guud iyo ka mira dhalinta waxa ay aaminsan-yihiin gaarna ka haya nabadgalyada dalkooda, ayaa aaminsan in Akhwaan musllimiinta Masar ay yihiin waayo-arag mudo badan siyaasada dalkaas ku soo jiray, isla markaana dhibaato badan ka soo maray mabada'oodi ay aamisanaayeen iyadoo la ogyahay ayey yiraahdeen akhwaankaas loo geystay tacdiyo badan ay soo gaarsiyeen madaxdi kala dambeysey ee soo martay dalkaas Masar.

Sidaa darteed khubaradaas ayaa umadooda iyo dawladaba warbixintooda ugu baaqday in ay maanta la gudboontahay in dalka nabadgalyadiisa gaar laga hayo oo aysan lumin qaranimada dalka, fiiro gaarana loo yeesho dhaq-dhaqaaq-yadaas mandiqada ka socda.