Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ma Dhaba In Ambassador Mahige Uu Qandaraas Qarsoodi Ah La Galay Shariif Sakiin .. By Farxiy C/salam

Thursday - June 2, 2011

Ma Dhabaa in Ambassador Augustine Mahige uu Qandaraas Qarsdoodiya La Galay Gudoomiyaha Barlamaanka Iyo Maamul  Goboleedyada Galmudug Iyo Puntland Si Loo Fashiliyo Shirka Lagu Wado In Uu Ka Dhaco Caasimada Somaaliya Ee Muqdisho.

Tan iyo kolkii ay soo baxday wararka sheegaya in uu qilaaf xoogan uu u dhexeeyo, Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan,oo beri samaadkii ahaa saaxiibka kowaad ee Madaxweynaha maanta uu ku noqday abeeso isagaoo is hortaagay geedi socodkii loogu jiray in ay somaaliya lugaheeda isku taagto.

Dad badan oo aan anigu ka mid ahay ayaa mar walba waxa aan isweydiiyaa, Madaxweyne Sheekh Shariif sow ma ahayn ninkii shalay xabadka u tuntay,soomaali oo idilna ka dhaadhicinayay in Shariif Xasan yahay nin jeebkiisu tolan yahay,dadka oo dhana ugu maskiin san yahay , Shariif xasan halkey ka mareen wanaagii uu shalay u haayay Madaxweyne Sheekh Shariif.

Shariif Xasan sow ma ahayn ninkii shalay Sheekh Shariif dadka oo dhan ka gooyay, xitaa qaraabadii Sheekh Shariif ayuu meel cidlo ah dhigay, isagoo isaga dhigayay Madaxweynaha in uu yahay nin daacad u ah, Somalidu waxa ay ku maah maahdaa nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban.

Qilaafka 2-da Shariif oo cirka isku shareeray ayaa sababay in Shariif Xasan oo caan ku ah,sida loo xir xiro xargaha dibin daabyada waxaa u suurta gashay in uu xulufo dhaw la noqdo Mele Zenawi iyo Ambassador Augustine Mahiga si ay gacan buuxda ugu siiyaan sidii kursiga looga tuuri lahaa Madaxweyne Sheekh shariif.

Olalahaas oo uu hada si xoog leh uga wado Magaalada Neyrobi, sida aan la wada socono dhawaan waxaa Neyrobi ku shiray Gudoomiyaha Barlamaanka oo kaashanaya Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland shirkaas oo ku saabsanaa sidii ay maamuladaasi u keeni  lahaayeen lacag lagu fur furo xargo badan oo uu xir xiray madaxweyne Sheekh Shariif waana mida keentay in wadahadaladii ugu danbeeyay ee ay yaashaan Augustine Mahige iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan uu u balan qaaday lacag aan ilaa iyo hada aan cadadkeeda la haynin,si uu Mahiga u fashilin lahaa Shirka ka dhaci doono Muqdisho.

Hawshaas oo uu si dhaqso leh u guda galay Mahiga sida ku cad Wareysigii ugu danbeeyay ee uu Neyrobi ku qabtay iyadoo cid kasta oo Wareysigaasi Dhageysatay ay Afka Mahiga ka dhadhamin kareyso in uu helay Balan Qaad Lacageed,waxaanse la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto dowlada  hadalka ka soo yeeray ambassador mahiga iyo talaabada ay ka qaadi doonto,maadaama hawshii loo  soo diray uu ka door biday in uu dhinac u jan jeersado.

FARXIYA CABDISALAAN
BREDA HOLLAND