Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Haweyney Oo Nin Ay Saaxiib La Ahayd Ka Goysey Xubinti Taranta Raga

Thursday - June 2, 2011

Haweyney 40 jira oo la qabo- degan meel caasimada Daka- Bangaladash u jirta 200km, magaceeda lagu sheegay Mongo Bijum ayaa timi saldhig bolis iyadoo gacanta ku sidata xubinta taranta raga,waxayna ku ashtakootay in Ninka xubintaan leh oo magaciisa la yiraahdo Musmil xaqu Maazi u ku sameeyey kufsi tana ay daliil u tahay falkiisa.

Sarkaal u hadlay saldhiga boliska kiiskaana gacanta ku haya ayaa sheegay in Ninka eeda loo haysto u hadda daaweyn isbitaalka ugu jiro, dabadeedna marku caafimaadkiisa hagaago xabsiga loo soo dhaadhicin-doono, waxaase takhtarku sheegay in ninkaas waxba laga qaban-karin xubintiisa sidi dib loogu soo celin-lahaa, laakiinse waxuu yiri waxaan ku dadaaleynaa inaan u farsameyno halkii kaadidu ka bix-lahayd.

Dhinaca kale Mr. Musmil Xaqu ayaa beeniyey waxa ay sheegtay haweyney-daas oo yiri Naagtaan ma aan ku kufsan balse waxaa na dhex yiiley sheeko qaraami ah oo aan muddo yareyn ku wada soconay, hasa-ahaate waxay ila timi qorsho aan ka diiday oo ah inaan ka tago caruurteyda iyo xaaskeyga oo dabadeed u wada guurno caasimada Daka, taas ayaana keentay iney xubinteyda midi xiireysa si ilbiriqsi ah ku goyso ayuu hadalkiisi ku cadeeyey