Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Cabdirisaaq Warsame Haysta Dhalasho Mareykan Oo Noqday Wiilka Is Ku Qarxiyey Ciidamada AMISOM

Friday - June 3, 2011

Muqdisho - Muwaaddin Maraykan ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa isku qarxiyey magaalada Muqdisho, kaas oo dilay laba ka mid ah ciidammada AMISOM, halka qaar kalena dhawaacyo ka soo gaareen qaraxaas.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ee FBI-da, ayaa sheegay in mid ka mid ahaa koox dhowaan qaraxyo ismiidaamin ah u geystay ciidammada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho uu ahaa Soomaali haystay dhalashada dalka Maraykanka.

Saraakiishu waxay xuseen in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ku ogaadeen inuu kooxdaas ka mid yahay nin Soomaali ah oo dhalashada Maraykanka haysta, magaciisana la odhan jiray Cabdirisaaq Warsame, kaasoo FBI-du sheegtay inuu isku qarxiyey afaafka hore ee xarun ciidammada AMISOM ku leeyihiin waddada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha hay’adda FBI-du, ayaa intaa ku daray in ninkaas oo da'diisa ahayd 25 jir uu ka mid ahaa dhallinyaro Somalia--Amerikan ah oo bilo ka hor ka tegay dalka Maraykanka, kuna biiray Al-shabaab oo dagaallo ka wada dalka Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood dagaallada lagu dilay, qaarna ka qaybqaateen qaraxyo is-miidaamiin ah, halka kuwo kalena weli ka dagaallamayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxa FBI-du sheegtay inay baaritaan ku wadaan sidii ay u dhacday in muwaadin Maraykan ahi isku qarxiyo Muqdisho.

idaacado taageera xarakada Al-shabaab oo ku yaal Muqdisho, ayaa maalmihii la soo dhaafay baahinayey dhallinyaro ay sheegaan inay dhowaan qaraxyo is-miidaaminta ah ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo laga duubay ka hor inta aanay weerarrada fulin, waxayna qaarkood sheegeen iney ka yimaaddeen dalal ka tirsan Yurub iyo Ameerika.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere), ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen qaraxyadii iyo weerarradii ay maalmo ka hor ka geysteen waddada Maka Al Mukarama ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada AMISOM.

Sheekh Cali-dheere, waxa uu sheegay in saraakiishaas la dilay ay qorsheynayeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ciidammada AMISOM qariyeen geerida saraakiisha ay dileen si aan jabkooda loo ogaan.

Waxa uu intaa ku daray afhayeenku inay qorshaynayaan sidii ay qaraxyo kale dhowaan uga fulin lahaayeen xarumaha ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Somalia si ay u wiiqaan awoodooda, isagoo shacabka degan agagaarka xeryaha millateriga ugu baaqay inay ka fogaadaan.

"Mujaahidiinta waxa ka go’an iney naafeeyaan cadowga, waxayna wadaan qorsheyaal cadowgu aannu fahmi karin oo ay ku weerarayaan xarumahooda dhowaan, waxaanuna uga digeyna dadka muslimiinta ah ee deggan meelaha ku dhow xarumaha ciidammada gaalada iyo murtadiinta iney ka fogaadaan goobahaas si cadowgu aannu uga aargoosan," ayuu intaa ku daray Sheekh Cali-dheere.