Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Isticmaalka Sixirka Iyo Faalka Oo Ku Si Badanaya Aduunka Iyo Halka Somaaliya Kaga Jirto

Friday - June 3, 2011

Soo Aruuriye Cabdullaahi Beershiya: Waxa maalinba maalinta ka dambaysa ku sii badanaya dalalka adduunka isticmaalka sixirka, faalka, xiddigiska iyo nooc kasta oo ay bini-aadamku isku dayayaan inay ku ogaadaan mustaqbalka waxyaalaha dhici kara, inta badan waxa la arkaa dumar faaliyayaasha waydiinaya ragga ay guursan doonaan mustaqbalka iyo guriga ay geli doonaan nooca u noqon doono, iyaga oo faaliyeyaashu ku amra inay sameeyaan waxyaabo gaar ah oo laga yaabo xataa inay hoos-u-dhigayaan mustawaha uu qofku taagan yahay.

Aqoonyahanda ku dhaqan dalaka reer galbeedku waxay si joogto ah ula xidhiidhaan dadka xiddigaha ka faaliya, iyaga oo ka warraysta mustaqbalka dhaw waxyaalaha ay la kulmi karaan.

Ninka ciyaartooygaha ahi wuxuu faaliyihiisa waydiiyaa muuqaalka ay yeelan doonto ciyaarta uu safan doonaa iyo awooda uu ku dhex yaalan doono isagu, sidoo kale fannaaniintu ka hor inta aanay iman masraxa ay ka heesayaan waxay la fadhiistaan faaliyayaashooda si ay muuqaal guud uga siiyaan waxyaalaha ay kala kulmi doonaan masraxaas.

Madaxweynihii Maraykanka ee Ronald Ragen iyo gabadhiisii Nancy waxay ilaalo gaar ah ka dhigteen nin faaliye ah, kadib markii la isku dayey in lagu khaarajiyo dil qorshaysan oo loo maleegay, kaas oo markasta u sheegi jiray waxa ay la kulmi doonaan.

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Jack Cherack iyo hoggaamiyayaal badan oo reer Yurub ahi wax ay hanti aan la malayn karayn ku bixiyeen siday u oggaan lahaayeen mustaqbalkooda iyaga oo adeegsanaya faaliyayaasha iyo xiddigiyayaasha.

Dawladaha Carabta waxay ku bixiyaan sixirka, faalka iyo waxa la midka ah sannadkii in ka badan Shan bilyan oo dollar, sidoo kale waxay tilmaameen cilmi-baadhisyo lagu sameeyey faaliyayaasha iyo sixiroolayaasha ka jira dunida Carabtu inay gaadhayaan tiro caqliga dadku la yaabi karo.

Dalka Masar oo kaliya ayey ku nool yihiin rubuc milyan qof oo ka shaqeeya, sixirka, faalka, xiddigiska iyo wax kasta oo la xidhiidha, waxyaalaha ugu badan ee ay isticmaalaan waxa ka mid ah akhrinta gacanta, koob eegida, beed eegida I.W.M.

Meelo badan oo ka mid ah suuqyada waaweyn ee dawladaha islaamka waxa lagu arkaa dad aan aqoon lahayn oo ku shaqaysta faalka, iyaga oo maskaxda ka qabsaday dad badan oo ku dhaqan dawladahaas, sida lagu sheegay daraasadaas.

Daraasadan oo uu soo ururiyey aqoonyahanka weyn u dhashay dalka Sucuudiga Dr. Salman Bin Fahad Al-cawdah oo lagu daabacay wargeyska Al-mujtamac ee ka soo baxa dalka Kuwayt, ayaa lagu sheegay in uu yahay faalka, sixirka iyo xiddigisku qaar faraba’an ku haya bulsho weynta ku dhaqan dunida islaamka, taas oo muqaal ahaan u eekaysiisay in ay la mid yihiin sida dadka aan Ilaahay rumaysnayn ee ku dhaqan meelo badan oo adduunka ka mid ah.

Haddaba, dadka noocan ah ee ku shaqaysta inay dadka kale uga warramaan waxa ku dhici doona mustaqbalka waxa habboonaan lahayd in ay iyagu nafahooda hagaajiyaan ka hor inta aanay dadka waxba u sheegeen.

Ilaahay korreeye wuxuu kitaabkiisa Quraanka ah ku sheegay in Nebi (NNKHA) oo ahaa Rasuulkii Ilaahay aanu awood u lahayn oggaanshaha waxa ku dhici doona mustaqbalka dhaw, hadana isaga oo si joogto ah u helayey waxyi dhinaca Ilaahay ka yimi.

“Haddii aan oggaan lahaa qeybka amma mustaqbalka waxa dhici doona, waxaan badsan lahaa wanaaga, igumanay dhaceen wax dhibaato ahi,” ayuu Illaahay ku yidhi Suurada Al-acraaf Aayadda 188aad.

Haddii uu qofku oggaan lahaa qaybka waxa u fududaan lahayd inuu horumariyo naftiisa oo uu ka ilaaliyo wax kasta oo ku keenaya fashilaad iyo inuu ku guul-darraysto qorshayaashiisa adduunka.

Marka la warraysto dadka isticmaala faalka waxay sheegaan sababta ku keliftay inay tahay iyaga oo uga soo joogay arrimo farabadan oo run ah, taas oo markii loo sheegay sideedii u dhacday. Waxaase xusid mudan in dadka noocan ahi ilawsan yihiin inay faraha la galeen arrimo aan loo baahnayn in bini’aadamku taabtaabto, taas oo lagula kulmi karo habaw iyo in laga leexdo dariiqa Ilaahay. Sidaas darteed, Nebigu (NNKHA) wuxuu yidhi; “Ninka u taga faaliye ee wax weydiiya salaadiisa afartan (40) habeen lagama aqbalo.”

Shareecada islaamku waxay dhiirigelisay in caqliga bina’aadamku u fikiro si furan, iyada oo loo diiday inuu dabaasho waxyaabo khurafaad ah oo uu doonaayo inuu ku oggaado waxa maqan iyo mustaqbalka oo aanu ka faa’iideyn wax fiican marka laga reebo inuu ilaahay kaga sii durko mooyaane.

Islaamku wuxuu soo bandhigay cilmi iyo aqoon la taaban karo oo uu qof kastaa lasoco qaybta dambe oo dib u eegis ku samyn doonta sida faalka iyo sixirka looga isticmaalo dalkeena…. La soco….

Uruurintii: Qoraaga Weyn Cabdillaahi Beershiya...La Soco Qaybaha kale.