Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maslax Maxamed Siyaad Oo Guclo Orod Ugu Jira Sidii U Mar Uun Madaxweyne Ugu Noqon Lahaa Somaaliya

Saturday - June 4, 2011

Wiil u dhalay madaxweynihi hore ee Somaaliya Maxamed Siyaad Barre, ayaa magaalada Nairobi ee cariga kenya waxuu ka bilaabay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan isagoo ku doonaya in u mar kale kaga soo muuqdo masraxa siyaasada Somaaliya.

Maslax Maxamed Siyaad ayaa magaalada Nairobo kulamo u ku qabtay halkaas, waxuu ku soo bandhigay Xisbi Siyaasi ah oo ka qayb qaadan-doona arimaha siyaasada Somaaliya, munasabadaas oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xariga looga jaray xafiisyo xisbigaasi leeyhay oo lagu magacaabo xisbiga Democratic Party of Somaaliya ee marki la soo gaabiyo ah " DPS"

Sida warku sheegaayo xafiiskaas waxa laga furay degaanka ay Somaalidu ku badantahay ee ku magac dheer Islii oo ka mida xaafadaha ugu dhaqdhaqaaq badan ganacsiga magalada Nairobi .. munaasabada xafladaas waxaa goob joog ka ahaa amase ka dhex muuqday siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Maslax Maxamed Siyaad iyo ku xigeenkiisa Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan.