Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sagaal Qof Oo Ku Dhimatay Shil Baabur Oo Ka Dhacay Magalada Kisimaayo

Sunday - June 5, 2011

Kismaayo-Shilkan baabuur oo sababay dhimashada Sagaal qof iyo dhaawaca 11 kale ayaa waxa uu shalay gelinkii danbe ka dhacay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13-km dhanka waqooyi kaga began magaalaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dadka shilkan ku waxyeeloobay ayaa waxa ay isugu jireen rag iyo dumar, kuwaa oo u socday deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.

Shilka ayaa yimid markii gaari nooca loo yaqaan Caasiga oo siday rakaab kana yimid dhanka magaalada Kismaayo ay isku dhaceen gaari kale oo waaraad ah, kaasoo yimi  kadib markii ay wadada soo gashay Lo’o fara badan oo xilligaasi wadada mareysay, waxaana ay airntaasi keentay in gaarigii waaraadka ahaa uu si xun u burburiyo baabuurka  caasiga ahaa ee siday rakaabka taasina ay keentay in ay ku nafwaayaan siddeed qof iyo dhaawaca 3 kale oo kamid ah dadkii saarnaa gaariga.

Maamulka Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa gurmad u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, iyadoona dhaawacii iyo dhimashadii dadka rayidka ah lasoo gaarsiiyay isbitalka Guud ee magaalada Kismaayo.

Gudaha cisbitalka magaalada Kismaayo ayaa waxa shalay gelinkiii danbe buux-dhaafiyayay ehelladii dadkii ku waxyeeloobay shilka, waxaana uu cisbitaalka shalay ku jiray jawi aad u murugo badan, dhaqaatiirta cisbitalka ayaa iyagu ku mashquulsanaa daaweyn dadka kusoo dhaawacmay shilka oo isugu jiray kuwo dhaawacooda fududyahay iyo kuwo halis ah.

Maaha  markii ugu horeysay oo shil caynkan oo kale ah  ay ku dhintaan tiro dad ah uu ka dhaco gudaha iyo daafaha      Magaalada Kismaayo, hase yeeshee shilalka noocan ah  oo kale ah ayaa noqday kuwo soo noqnoqday, waxaana arintani loo aaneynayaa wadooyinka gobollada Jubooyinka oo ah kuwo ciriiri ah iyo wadeyaasha oo aan aqoon fiican u lahayn shuruucda wadooyinka.