Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Haweyney Somaali Oo Laba Ruux Ku Dhaawacday Magalada Bloomington Minnesota

Sunday - June 5, 2011

Warar laga soo xigtay saldhiga booliska Bloomington ayaa sheegay in haweyney Somaali oo halkaas degan ay xabsiga u taxaabeen kadib markay laba ruux dhaawac culus u geysatay oo ka shaqeyneysay Laybareeriga amase maktabada buugaagta oo ay haweyneydaas agagaarka deganeyd .

Haweyneydaas oo magaceeda lagu sheegay Samiira Cabdalla oo 35 sano jirta ayaa intey gashay gudaha maktabada lagu magacaabo Oxboro ee magaladaas sabab aan la garaneyn hal qof oo maktabada gudaheeda ka shaqeynaayey ku dhaawacday, dabadeedna marki u soo gurmaday mid ka mida ilaaladi maktabada ayey isagiina caloosha midi ka galisay oo isla markiiba goobti ka baxsatay, laakiin booliska oo deg deg goobta u yimi ayaa tilmaan la siiyey awgeed markiiba gurigeeda ka soo qabtay.

Gabar daris la ahayd oo tiqiinay haweyneydaas wax dhaawacday ayaa sheegtay iney la cajabtay falka ay geysatay haweyneydaas oo tiri ma ahayn gabadhaas wax laga filankaray falkaas .. booliska ayaa iminka ku hawlan sababaha keenay in haweyneydaas falka noocaas geysato, walow dadka qaarkiis ay leeyihiin waxay falkeeda la xariirta arimo diimeed oo ay ka carootay.