Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Korneyl Sare Oo Laga Dilay Milatariga Uganda

Monday - June 6, 2011

Mogdisho- Xigasho Somaliweyn: Saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay bariga Magaalada Muqdisho ay ku waayeen sarkaal sare oo ka tirsanaa guutada lixaad ee ka dagaalantay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
 
Taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya Maj. Gen. Nathan Mugisha, oo wareysi siiyay wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay uu ku geeriyooday sarkaal sare oo ciidamada Uganda ka tirsanaa darajadiisuna aheyd Korneyl waxaana uu talyuhu xusay in sarakaalkaasi uu geeriyooday xilli ciidamo uu watay ay isku dayeen inay ku siqaan dhufaysyo ay lahaayeen dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
 
 Korneylka geeriyooday oo aan magaciisa la sheegin ayaa haddana waxaa uu wargeysku ku waramayaa in meydkiisa habeenimadii xalay la geeyay sdaldhig Military oo ku yaala magaalada Kampala ee caasimada Uganda.
 
Taliyaha AMISOM Maj. Gen. Nathan Mugisha, waxaa uu xusay in inkastoo ay guulo ka gaareen dagaaladii Boondheere dhawaan ka dhacay haddana ay jiraan qasaaro dhinacooda kasoo gaaray dagaalada waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan dagaalka ay ku garab taaganyihiin dawlada KMG ee Soomaaliya.
 
Ciidamada Midawga Africa dalka Soomaaliya ee AMISOM ayaa maalmahaan hawl galo ay ka wadeen magaalada Muqdisho waxay ku sheegteen inay guulo ka gaareen inkastoo dhinaca la dagaalamaya ee Al-Shabab ay iyana sheegteen inay qasaaro u geysteen.