Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

General Axmed U Dhalay Madaxweynaha Yaman Oo Diiday In Xilka U Si Qabto Ku Xigeenka Madaxweynaha

Monday - June 6, 2011

Maanta oo taariikhdu tahay 6/6/20011 iyo xili u jiifo madaxweynihi Yaman Cali Cabdalla Saalax takhtar milatari ku yaal magaalada Riyaad ee cariga Sacuudiga,oo si cad ama rasmi ah loo shaacin in awoodi dalka lagu wareejiyey ku xigeenkiisa Cabdi- rabi Mansuur, ayaa laga soo wariyey ku xigeenka wasiirka warfaafinta ee Yaman in xilki dalka lagu wareejiyey Cabdi-rabu Mansuur habeenkii sabtida ahayd, isla markaa wararka ayaa inta si raaciyey in madaxweyne ku xigeenku shaqadi qaranka u ka wadi la'yahay qoyskii madaxweyne Cali Cabdalla Saalax kuwaaso diidan iney qiraan in aabahood maanta ka joogo dibada fagaaraha siyaasada ee dalka oo awoodiisi u wareegtay ku xigeenka Cabdi-rabi Mansuur oo isagu ka soo jeeda gobolka al-abyan konfurta Yaman.

Wararka yaman ayaa tibaaxaya in kulan u ka qayb galay wiilka u dhalay madaxweyne Cali Cabdala ee la yiraahdo General Axmed Cali oo taliye u ah ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo waliba xogaga gaarka ah oo u badan reerka madaxweynaha ayey isla meel dhigeen sidi iyo cidda si maamuleysa inta madaxweynaha caafimadka ku maqanyahay gaar ahaan aabahood oo weli nool inaan cidna xilka qaadan-karin

Warku waxuu kalo soo tabinayaan inu General Axmed Cali Saalax u daganyahay xarunta madaxtooyada oo halkaas siyaasiyiin iyo dad ka socda qabaaiilada qaarkood kula kulmo, halka u madaxweyne ku xigeenka dastuuriyan ahayd inu joogo madaxtooyada uu iminka isagu ku suganyahay gurigiisa.

Warar dhinac kale ka soo baxaya ayaa sheegaya in dadka kor kala socda xaalada Yaman ay u arkaan kulankii safiirka Mareykanka u fadhiya Yaman u la yeeshay madaxweyne ku xigeenka yahay mid daliil u ah iney awoodi ku waregeyso ama ku jirto hada gacanta madaxweyne ku xigeenka, hasa ahaate dafiraada u dafiray inu kulan la qaatay safiirka oo ay ka wada hadleen sidi xilka isaga loogu wareejin-lahaa ayaa cadeyn u tahay culeyska ka saaran amase kaga socda qoyska madaxweynaha iyo qaar ka mida saraakiisha sare ee dalka.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in awoodu toos ugu wareegeyso madaxweyne ku xigeenka haddi madaxweynuhu hawlgab noqdo ama is casilo, laakiinse dawlada kama soo bixin wax cadeyn ah oo talaabooyin ah oo dalka lagu maamulaayo iyado xusid mudan in telafishinka dalka u weli baahinaayo heeso lagu taageeraayo madaxweyne Cali Cabdalla Saalax

So Diyaariye Saciid Xaaji .. Saciid Jamaal