Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Farmaajo Oo La Rabo In La Ogoleysiiyo Inu Wasiiro Siiyo Shariif Sakiin Isagana Sanad Loogu Daro

Wednesday - June 8, 2011

Labada Shariif waa Shariif Shiikh Axmed, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Farmaajo ayaa galabta kulan ku leh caasimada kambala ee dalka Ugandha taaso la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka iyo is mari waaga ka dhex aloosan ee ku saabsan xiliga kala guurka.

Shirka oo xalay baaqday ka dib markii Raisul wasaare Farmaajo oo laga sugayey kulankaasi shalay galabna ka duulay magaalada Muqdisho uu gaaray magaalada Kambala xalay xili dambe, waxaana kulankaasi dhexdhexaadinaya madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveno oo maalmahanba shirar adag la lahaa labada shariif.

Ra'iisal Wasaare Farmaajo ayaa isagu intii aanu ka bixin magaalada Muqdisho waxa uu shaaca ka qaaday in Guddoonka Baarlamaanka qashqashaad iyo afduub ku heysto xukuumadda, isagoona caddeeyay in Shariif uu shuruud ka dhigay in Dowladda loogu daro Wasiiro horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore, wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka inuu doonayo dan shaqsi ah isla markaana uu hareer maray danta dadka iyo dalka.

Kulan albaabada u xirnaa oo magaalada Kampala ay ku yeesheen shalaly Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu natiijo la'aan ku dhammaaday kaddib markii Shariif Xasan uu dalbaday in xukuumadda isbedel lagu sameeyo, isla markaana xukuumadda cusub ee Madaxweynaha uu soo dhisayo loogu daro tiro Wasiiro ah uu isagu wato, taasi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu shuruud uga dhigay haddiiba xukuumadda muddo kordhin loo sameynayo.

Labada mas'uul ayaa shirkaasi ku kala dareeray, iyadoo markaasina ay soo farageliyeen wakiilada beesha caalamka iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Uganda iyo Burundi lamina oga waxa ka soo bixi doona kulankan lagu wado in maanta ay isugu tagaan saddexda masuul ee ugu sareysa dowlada Somalia ee ka dhacaay magaalada Kambala, waxaana shariif Xasan markii uu ku sii kordhay cadaadiska beesha uu ogolaaday in hal sano loo kordhiyo xukuumada isagoo hase ahaatee shuruud uiga dhigay in isbedel lagu sameeyo golaha wasiirada looguna daro rag isaga taageersan taasoo aan la ogeyn in RW Farmaajo uu aqbali doono iyo in kale.