Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maxamed Farmaajo Oo Geeska La Daray Marku Fahmi-waayey Geemka Shariifyada Ay Ku Caano Maaleen

Wednesday - June 8, 2011

Kambala - Mogdisho: war goor dhaweyd naga soo gaaray caasimada kambala ayaa sheegaya in wada hadalkii dhincyada maamulki shariifyada iyo Maxamed Farmaajo ay weli socdaan oo sida la tabinaayo mid waliba indhaha iska soo ridaya si mid waliba ujeedadiisa u gaaro, illa haddana aan laga gaarin wax natiijo ah, waxaase la sheegay in muranka isbaacsiga shariifka iyo ina farmaajo u gaaray is casil iyo yeeli-maay .

Lama garanaayo gadgadoonka iyo sida ay isku qanciyeen labada Shariif ee iyagu madaxa ku socda oo la yaaban farmaajaha lugaha ku socda., waxaana la sheegay iney iminka ujeeda-dooda iyo ka jeeda-doodaba meel ka soo wada jeedo, waxaase loo badinaaya in madaxweyne Musavini arimo aan la garaneyn u isku ogoleysiiyey oo ayba dhici-karto iney ku jirto hadadaad loo tusay iney laba-doodaba xilka waayi-doonaan dabadeedn xisaab xil maleh ay xabsiyada Uganda ku caweyn-doonaan.

Lama saadaalin-karo indhaha Maxamed Farmaajo ee la yiri laguma dhaame dhaqaaq sida uga dabaalan-doono Goodka iyo Abeesada ku soo gurguuratay iyo sunta waabaayada ay seyrinayaan , waxaana mooda Farmaajo inusan horay u fahmin nimankaan iney sidoodaba ahaan jireen God meyd qodayaal aan waxba ka xirmin, damiir hagaagsan lahayn haba-yaraate balse kaliya fahmi-kara milatari dhaarsan iyo taangi la jiirsiiyo