Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dibad-Baxyo Ka Socda Mogdisho Iyo Raiisal Wasaare Farmaajo Oo La Xaqiijiyey In Uu Iscsilaayo

Thursday - June 9, 2011

Muqdisho-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dibad-baxyo waa-weyn oo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka soo horjeeda iscasilaadda ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu wado in uu iscasilo saacadaha nagu soo aaddan, waloow ay jiraan xildhibaano iyo shacab gadoodsan oo ku cadaadinaya inusan iscasilin.. 

Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa dad lagu qiyaasay illaa iyo toban kun oo qof waxay u socdaan si teel teel ah, waxayna wataan sawirka ra’iisul wasaaraha, iyagoo si toos ah u beegsanaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo madaxtooyada .

Dadka dibadbaxyada dhigaya oo u badan haween iyo dhallinyaro iskood isku soo abaabulay ayaa ku dhawaaqayo erayo ay ku muujinayaan in aanay raali ka ah  in la carqaladeeyo xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen inay wax badan qabatay lixdii bilood ee ay jirtay.

Waxaa albaabbada loo laabay goobaha ganacsiga ee ku yaalla deegaannada ay ka socdaan dibadbaxyada. Wararka qaar ayaa sheegaya in dibad-baxayaashu ay gubayaan taayarro.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa booliska ayaa la sheegayaa inay sugayaan ammaanka guud ee goobaha ay ka socdaan banaanbaxyada.

Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho saacadaha soo socda, iyadoo la filayo in uu ku dhawaaqo iscasilaaddiisa.

Kaddib qodobaddii ka soo baxay shirkii magaalada Kampala ka dhacay oo uu ka mid ahaa in ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska casilo xilkiisa muddo soddon maalmood gudahood, ayaa waxaa iscasilaadda ra’iisul wasaaraha xaqiijiyay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda KMG Cabdikariin Xasan Jaamac.

Cabdikariin Xasan Jaamac oo la hadlay raadiyaha ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu go’aansaday in uu iska casilo xilka uu u hayo ummadda Soomaaliyeed marka uu dalka dib ugu laabto, si loo afjaro khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo ka soo ambabaxaya dalka Uganda ayaa la sheegayaa in uu iscasili doono, inkastoo aan la shaacin waqtiga ay dhaceyso iscalaaddiisa.

Ugu dambeyntii, waxaa qodobbadii lagu heeshiyay ee shirkii Kampala ka mid ah in kaddib marka uu iscasilo Farmaajo uu madaxweynaha soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, iyadoo dib loo dhigayo doorashada madaxweynaha iyo tan guddoomiyaha baarlamaanka muddo sanad ah.