Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sheekada Dadweynaha"Farmaajo Waxa Uu Ceebta U Yaqaan Rag Bey Camalkood Tahay Oo Taas Inu Garto ...

Thursday - June 9, 2011

Mar aan maanta la kulmay rag isugu jira aqoonyahano, waxgarad, af-dhabaano oo markoodi hore la oran jiray af-minshaaro iyo odayaal iyagu arimaha waayihi siyaasada somaaliya ku bidaaroobay oo goobo cayiman wax ku falaanqeeya iyo kuwa kalo oo iyana la dhihi-karo waa caga seflayaal dadka dabka siyaasada run iyo been u kala qaada, waxayna intooda badani xaalada taagan ka yiraahdeen .. Saan-saanta Maxamed Farmaajo, waxaa ka muuqatay geesi doonahayey inu xiliga waqtigiisa ku dhameysto danta guud iyo sidi u uga miro dhalin-lahaa waxa u aaminsanaa ee soo celinta qaranimadi somaaliya, waxayse intaa raaciyeen in Maxamed farmaajo waayo aragnimadiisa oo yareyd awgii ma ahayn nin saadaalin-karay waxyaabaha mugdiga ku jiray ee daaha hoostiisa laga hagaayey, ma ahayn farmaajo Nin fahmikarey amase cabiri-karay sirta iyo danaha ay la soo jiifaan labada shariif .. farmaajo waxa u ceebta u yaqaan rag bey camalkooda tahay oo taas inu garto ayey ahayd

Gacal oo isagu goobta nala fadhiyey ayaa hadalki la soo booday oo yiri, xukumada ina farmaajo intaan mudooyin-kaan aragnay waxay ahayd dawladi ugu wanaagsaneyd ee na soo marta xag wax qabad, wadaninimo iyo golaha wasiirada oo ahaa kuwa ugu daacdsanaa uguna dadaalka badnaa, laakiin ayuu yiri wiilka ina farmaajo ma fahmin xeesha loo dhigay,waxaana ka xumahay ayuu yiri inu isku diibay xafiiskiisana ku wareejiyey qurba joog soo dheelmaday oo faashalin ku ahaa dibada, waxaana maqlay ayuu yiri in la yiri war talo ka qaado kuwa siyaasadaada ehelka u ah oo u diiday, isagoo intaa si raaciyey oo yiri wiilka sidaan maqlay ma aha nooca loo hiiliyo oo isagoo wax hubsan ayaa dhici-karta inu gees ku galiyo, oo qaato talaabo aan loo baahneyn, mana haysto la taliyaal xarfaan ku ah siyaasada somaaliya ka jirta, waxaana arkay rag sidaas uga sheeganaya ayuu yiri gacalkii warka qaatay.

Nin Kale oo mar hore sarkaal ahaan jiray ayaa warkiisa la soo kacay oo yiri war meesha waxaa ka socotay damac iyo sadbursi iyo fulin dano siyaasadeed oo dalal shisheeye ka leeyihiin dalka Somaaliya, sheekada socotana iyo waxa maanta aan u wada jeedno micnaheeda waa in dalka sii ba'o oo hogaamiye kooxyadi iyo qawleysatadi dalka iyo dadkaba dib loogu soo celiyo .. Somaaliya maanta Ninki dhawrsanaya dhiiqo hoos u si galaya, dhinaca aad ka eegtana waa dhafor-qabad ee kuwaan so qaad-qaadkooda ayaaba danbi ah 

Oday isagu markaa goobta aan fadhinay soo kor istaagay oo inteena badan aan garaneynay ayaa yiri war horta ma ogtihiin eedeymaha loo haysto dawladaan wiilkaan ina farmaajo oo ah iney cadeysteen mawqifkooda oo diideen hagardaamooyinka ay wadaan beesha caalamka iyo shaqaalaheeda Somaalida, eeda ugu weyna ay tahay iney tuseen shacabka Somaaliyeed in la heli karo dhallanyaro iyo mawaadiniin somaali oo dalkooda mugdiga ka saari-karta, waxaa laga xumaaday ayuu yiri waa raadka dawladnimo iyo hanaanka lagu higsan-karo oo shacabka u horseedi-kara horumar iyo himilo nabadeed, isagoo intaa raacshay waa garanaayey qaylo dhaantiisi iyo wax sheegiisi inu eedahayo.

Waayeel isna meesha fadhiyey oo hadal aan ka soo bixin shuurinaayey mudadi la dhurmaayey ayaa lagu yiri adeer adigana bal aragtidaada noo sheeg .. waayeelkii oo markiiba xiix iyo xogxogasho  bilaabay ayaa yiri, waxaa aniga intaan wax arkaayey igu cajiib badnaa waa markii la yiri gudoomiyaha Shariif Sakiin ninka la yiraahdo iyo ninka madaxweynaha isku sheegaya la yiri waxaa loo sameynayaa awood qaybsi dhinaca siyaasada ah, haddi la dihi lahaa mucaaradka iyo dawlada baa awood qaybsi loo sameynayaa macne ayey ahaan lahayd, laakiin hal dawlad iyo laba nin oo shalay isku xisbi ahaa saaxiibna ahaa ay maantana waxbaa loo qaybinayaa la yiri waa wax cajiib ah, isagoo warkiisa si wata ayuu yiri sharci wax lagu qaybinaayo ma jiro oo shalayba labada shariif isku qayb ayey ahaayeen .. arintuna ma aha waxa kale ee waa kala qaybin iyo kala qoqobid siyaasadeed oo la doonaayo in lagu wiiqo iftiinka dawladnimada somaali sugeyso .. war waxaan shariifyada waanu ogeyn waa dhoqrjaa xil loo dhiibay oo dhereg aqoon-waayey ayuu waayeelki hadalkiisi ku soo gaabiyey.

Nin isagana meesha fadhiyey oo hadalka waayelkaas afkiisa kala booday ayaa su'aal goobta soo dhex dhigay oo yiri qaabkee ayey awooda u qayb san-karan gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha, ma jira wadan aan somaaliya ahayn oo arintaan oo kale ka dhacaday siyaasad ahaan baarlamaanka iyo madaxweynaha wax loo qaybiyey iyagoo wada shaqeynaya .. ma dad shaqo ka wada dhaxeysaa mise waa dad loolamaya ayuu yiri ninkaas

Oday is dhalin-yareynaaya oo dadka ku yiraahda dhalinta cuslaatay ayaan ka mid ahay oo dhinacyada sidi girgiirti kismaayo timaha ka soo xirtay guudka sare reebtay ayaa afka kala furtay oo yiri ma ka warqabtaan in Shariif sakiin horay u yiri shakhsi aan xushmeeyo somaali kuma harin, oo ma jiro cid aan ka waji dadbaanaayo, amarkeyga ayuu yiri Qofkii aan adeecin isagale waaye, Odagi oo hadalka si wata ayaa yiri Ninkaan waxuu isu qaatay kan aan shimbir dhaama jirin ee u isagu yahay haadka kaliya ee duula hawada ama xabada kaluunka ah ee bada ku jirta, waxaa kalo odagu carbaabay in shariif sakiin Nairobi isago jooga dad ku yiri kursiga gudoomiyaha baarlamaanka oo aniga aan ku fadhiyo iyo kursiga madaxweynaha Shiikh Shariif waa isla doonasho ilaah.

Dhinaca kale sarkal sare oo waqtigi Siyaad Bare xilal kal duwan dalka ka hayn jiray oo markaas goobta yimi kuna soo gaaray warkii falaaqeynta raga dambe ayaa hadal gaaban jeediyey yiri aniga lama yaabani shariifyada iyo waxa meesha ka socda balse waxaan had iyo jeer la tacajubi jiray garasho la'aanta umada Somaali ay ku taageeri jirtay Nimankaas qashaabiirta ahaa oo caalamka toosh loogu ifiyey iney yihiin rag karaamo iyo magac ku dhex leh bulshada Somaaliyeed , isagoo warkiisa soo gaabiyey ayuu yiri sidaas iney idin yeelaan waa abaalkiin oo illa hadda wax aan jirin oo qaran matali-karin ayaad markasta taageertaan .. maalinkasta daalim aan wadani ahayn ayaad u saxbtuntaan, markaas ayaa laydin ku salada .. Nimankaan noocooda waa nooca aad tihiin oo xag alle laydin ka dooray ee iska daaya sheekooyinka halalaasiga barkumataalka ah ayuu warkiisi dambe ku yiri