Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiikii Gudaha Ee Dawlada Farmaajo Mudane C/shakuur Sh. Xasan Oo Qaraxi Darti U Geeriyooday

Friday - June 10, 2011

Xigasho Somaliweyn: Inaa Lilaah Wa Inaa Ileehi Raajicuun Waxa hada geeriyooday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminiga Qaranka ee Dowlada Soomaaliya Mudane C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo Qarax ismiidaamin maanta gurigiisa kula eegatay gabar uu ahaa adeer oo ardayad aheed, taasi oo fursad u heshay in qolkiisa gaarka ah ugu gasho mas’uulkaan.

Wasiirka oo dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Banaadir ayaa waxa dhimashadiisa hada saxaafada iyo shacabka soomaaliyeedba u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Soomaaliya kaasi oo daqiiqad kahor Warbaahinta ka sheegay.

Alaah Unaxariistee Marxuum Cabdishakuur ayaa waxa uu kamid ahaa Xubnihi ugu fir fircoona golaha Wasiirada ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo iyaga nasiib u helay iney noqdaan 20 sano kadib Xukuumadi ugu taageerada iyo rabitaanka badneed kuna guuleesatay kalsoonida Shacabka 100%