Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Booliska Ismaamulka S/lida-Itoobiya Oo Bilaawday Iney Xiraan Cid Kasta Oo Ka Soo Talowda Dhinaca S/L

Saturday - June 11, 2011

Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa bilaabay inay xir-xiraan cid kasta oo ka tallowday dhinaca xuduudka Somaliland ee Tog-Wajaale, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland xirtay laba qof oo ka mid ah Sirdoonka Killilka shanaad, kuwaas oo lagu eedeeyay sharci-darro.

Ciidamada gaarka ah ee Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Boolis, ayaa xadka Itoobiya ay la wadaagto Somaliland ee Wajaale ka bilaabay inay xir-xiraan cid kasta oo ka socota dhinaca Somaliland oo u tallowda dhinaca Itoobiya, "Waxa iminka xiran laba Gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Gaadhigii Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo si sharci ah ku galay xadka, waxaanay imika haystaan oo ay xireen inta la hubo shan qof

Hawl-galkan ayaa ka dambeeyay markii ay Ciidamada ammaanka ee Somaliland xabsiga u taxaabeen laba nin oo ka tirsan Ciidamada Sirdoonka ee Killilka shanaad, oo lasheegay Xuduudka iney si sharci-darro ah oo aan la ogayn uga soo tallaabeen, waxaana Ciidamada Sirdoonka Somaliland ka war heleen iyaga oo habeeno degan dhinaca Somaliland, waxaanay doonayeen in ay xiraan oo ay kaxaystaan qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland oo ay ku eedeeyeen inay dhaqaale ahaan taageeraan Jabhadda ONLF.

Labada nin ee la sheegay in ay ka tirsan yihiin Sirdoonka Killilka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay maalintii lixaad ku xiran-yihiin magaalada Tog-Wajaale, "Waxa masuuliyiinta Tog-Wajaale ee dhinaca Somaliland la soo xiriiray masuuliyiinta Ciidamada Liyuu Boolis, waxaanay yiraahdeen, noo soo daaya raggaasi anaga ayay naga tirsan-yihiine, markii lagu yiri, si sharci-darro ah ayay kaga soo tallaabeen xadka, dembigaasaana lagu hayaa oo waxay doonayeen inay fuliyaan hawlaha noocaas ahna, waxay bilaabeen inay cid kasta oo sifo sharci ah kaga tallowda dhinaca xadka oo ka socota Somaliland la xiro, waxaana la sheegay hadda iney xiran-yihiin gaadiid iyo dad reer Somaliland ah.

Xiriir xooggan oo siday masuuliyiintu sheegeen la xiriira dhinaca amniga, ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac, waxaana ka dhaxeeya Heshiis ah in laysu dhiibo cid kasta oo u kala tallowda labada dhinac oo la kala dalbado, hase ahaatee, masuuliyiinta labada dhinac ee heer Xukuumadeed, ayaan arrintan ka hadal, waana arrintii u horraysay ee labada dhinac sidaa isugu maan-dhaafaan.