Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Farmaajo Waa Uu Ku Qancay Iscsilaada .. Sidaa Waxaa Yiri Shiikh Shariif

Sunday - June 12, 2011

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa kaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin heshiiskii Kampala, iscasilaadda ra'iisul wasaaraha, dilkii hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afikra iyo mudaahraadyada ka socda Muqdisho.

"Shirkii Kampala waxay ujeedadiisu ahayd in xal loo helo khilaafkii siyaasadeed ee ku dhex-jiray hay'adha DKMG ah, waqtina loo helo gabagabeynta sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, dood dheere kaddib waxaa la isku raacay in DKMG ah 12-bilood loogu daro xilliga ay shaqeynayso si ay u dhameystirto howlaha horyaalla," ayuu Sheekh Shariif ku billaabay shirkiisa jaraa'id.

Shiikh shariif wuxuu sheegay in shirka go'aankan lagu gaaray uu ahaa shrkii ay qabatay ICG-da oo ay ka qaybgaleen dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururro ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qarammada Midoobay, IGAD iyo dowladda Mareykanka.

"Aniga iyo gudoomiyaha baarlamanaka iyo xubnihii nala socday waxaan ka shirnay xilliga loo kordhiyay dowladda si fikradaha la kala qabay la isku waafajiyo, runtiina waxaana dhanka baarlamaanka ka yimid caqabado iyagoo soo-jeediyay inaysan la shaqeyn karin xukumadda loona baahan yahay in ra'iisul wasaaraha la bedelo, annaguna waxaan soo jeedinay in la iscafiyo oo si wadajir ah loo dhameeyo xilliga KMG ah," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shiikh Shariifka wuxuu sheegay in markii uu muranku batay uu u yeeray ra'iisul wasaaraha si uu ugu sheego sida ay wax u jiraan, uuna qiimeeyo xaaladdu sida ay noqon karto, isagoo xusay in ra'iisul wasaaruhu uu ku qancay inuu iscasilo.

"Waan garan karnaa xanuunka ay Is-casilaadda ra'iisul wasaaruhu leedahay. Aniga ayaa ra'iisul wasaaraha magacaabay waana garan kartaan sidii lagu ansixiyay, in sharciga aan la garab mari karinna waan ogahay, balse maslaxad ayaa ku jirta," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Su'aal ahayd waxa uu ka qabo in heshiiskii Kampala la horgeeyo baarlamaanka ayuu sheegay inuusan waxba ka qabin, isagoo intaas raaciyay in muddda sannadka ah ee ay shaqeynayaan ay ku qaban doonaan dhameystirka dastuurka, sugidda amniga iyo diyaarinta doorashooyinka.

Shariifka wuxuu dhanka kale, ka hadlay dibadbaxyada ka socda Muqdisho isagoo sheegay inay yihiin kuwo ay abaabulayaan shaqsiyaad dano gaar ah leh si ay uga faa'iideystaan, isagoo sheegay inay dibadbaxyadaas ka dhasheen qaraxyo mid ka mid ah lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha xukuumadda KMG ah.

"Lama aqbali karo in shaqsiyaad gaar ah ay lacago ku bixiyaan mudaaharaadyo iyo fowdo, waxaana dadkaas looga baahan yahay inay lacagtooda ku bixiyaan sidii dib loogu dhisi lahaa dalka oo ay ka fogaadaan inay abaabulaan fowdo," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhank kale, shiikh shariif wuxuu ka hadlay dilkii hoggaamiyihii Bariga Afrika ee Al-Qaacida Fazul Cabdalla Maxamed isagoo sheegay inuu tan iyo sannadkii 1996-kii ku sugnaa dalka Soomaaliya, uuna u dhashay Jasiiradaha Commoros isagoo dhashay 25 August 1972, dukumiintiyadii laga helayna ay muujinayaan kaartada Xarrakatul Shabaab ay uga dagaalamayso Muqdisho, baasaboorkiisii iyo warqad tacsi ah oo loo diray Osama Bin Laden.

Sheekh Shariif wuxuu ku eedeeyay Fazul inuu mas'uul dilalki loo geystay wasiiro ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi, Qamar Aadan, Ibraahim Caddow, Suleymaan Colaad iyo Axmed Waayeel, kuwaasoo lagu dilay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne.

Ugu dambeyn, shiikh shariif wuxuu u mahadceliyay ciidamada DKMG oo uu xusay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida, isagoo sheegay in askarta DKMG ah ay qabanaa tababarro sare oo ay ku soo qaateen dalalka Uganda, Itoobiya iyo kuwo kale.