Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beesha Cayr Oo Tiri Waxaan Deg Deg Uga Jawaabeynaa Qirashada Cali Dheere Ee Dilka C/Shakuur

Sunday - June 12, 2011

Waxgarad isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato iyo indheergarad ku kala sugan gudaha dalka iyo dibedda, kana soo jeeda beelweynta Cayr ee H/gidir ayaa bayaan ay ka soo saareen shir ay qadka taleefanka ku yeesheen si buuxda ugu cambaareeyey qaraxii uu ku dhintay ALLAHA u naxariistee wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xassan Faarax, waxeyna eeda qaraxaasi dusha ka saareen Calidheere oo ka mid ah madaxda Alshabaab.

Shirkan ay yeesheen waxgaradka beesha beesha Cayr, kuna kala sugan wadamada Ingiriiska, Holland, Jarmalka, Denmark, Sweden, Norway, Finland, Imaaraadka, Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa kulankaasi ugu horreyn lagu cambaareeyey qaraxii lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, waxaana waxgaradkii shirkaasi ka soo qeybgalay ay sheegeen in qaraxaasi uu ka mid ahaa falalka wuxuushnimada ah ee kooxda Alshabaab ay mar walba ku bartilmaameedsado hormuudka shacabka.

“Cali dheere wuxuu saxaafadda ka qirtay in uu ka danbeeyeen dilkii C/shakuur, waxaana beesha Cayr guddoonsatay in falkaasi uu cadeystay Calidheere ay si degdeg ah uga jawaabi doonto” ayaa lagu yiri bayaankaasi, waxaana sidoo kale loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha bulshada ee ku dhaqan Muqdisho in ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada ay ummadda Soomaaliyeed ku hayaan Alshabaab.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in beesha Cayr ay si buuxda u taageersan tahay dedaalada siyaasadeed ee xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Farmaajo ayna la garab taagan yihiin xukuumadda hiil iyo hoo, waxeyna ugu baaqeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka in ay xushmeeyaan rabitaanka shacabka, ayna ka fogaadaan waxyaabaha dhaawici kara hanaanka dowladnimada.

“Beesha Cayr ee gudaha iyo dibedda ku dhaqan waxey si buuxda u taageerayaan R/wasaare Farmaajo iyo xukuumadiisa oo guul miisaan leh ka gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha qawaariijta Alshahaab” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka dadkii soo saaray waxaa ka mid ahaa:-
C/raxmaan Siciid Faarax
Max’ed Cabdi Jimcaale
Xassan Cilmi Faarax
Yaxye Shariif Ciyow
Max’ed deeq Xasan Suubiye
Faarax Sugaal Rooble
Yuusuf Sabriye
Cabdi Axmed Ileey
C/qaadir Cali Xassan
Garabeey C/raxmaan Cabdi
Daa’uud Cabdi Cali
Saacid Diiriye
Faadumo Salaad Cali
Siciido Diiriye Cabdi
Iyo xubno kale oo fara badam

Xigasho: http://wehelmedia.com/