Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Taariikh Nololeedkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Ee Bariga Afrika Ee La Dilay Faadil Cabdalla

Monday - June 13, 2011

Faadil Cabdala Maxamed Waxa uu ku dhashay magaalada Marooni ee Jasiirada Comoros ee ku taala badwaynta Iindia,lama hayo taariikhda dhabta ah ee uu dhashay,balse baasaboorada dhawrka ah ee uu isticmaali jiray ,waxaa ku qoran taariikh dhalasho oo kala duwan mid sheegaya 1972 ,iyo mid ah 19974,magaciisu waxa uu si wayn u soo shaacbaxay 1998 , markii la weeraray safaaradah maraykanka ku laha magaalooyinka Nairobi iyo Daaru salaam,oo ay dad tiradoodu kor u dhaafayso 200 oo qof ay ku dhinteen , waxaa maraykanku rumaysanyahay in u gacan ka gaystay Weeraradaasi 1998 dhacay ,iyo waliba weeraro 2002 lagu qaaday Hotel uu lahaa ganacsade Isra'ili ahi,ee uu ku yaalay deegaanka Kikanbala ,ee magaada Mombaasa ee Gobolka xeebta ah ee Kenya,

Khubarada arimaha Nabad galyada ee bariga Afrika waxay rumaysanyihiin , in Fasuul oo haysta dhalashada dalalka Kenya iyo Comoros ,uu mudo ku noolaa magaalada Nairobi ,ayna wada shaqayn jireen Waadi al-xaaj oo ah nin asalkiisu yahay Lubnaani, Maraykankuna ku xukumay xabsi daa'in markii lagu helay inuu ku lug yeeshay weeraraadi safaarada Maraykanka ee Nairobi ,

Faadil waxaa uu kamid ahaa taliyaasha sare ee Kooxda alqaacida ee goblka Bariga Africa ,sanadkii 2009 Osma Bin hogaamihiii Alqaacida ee la dilay , waxa uu fasuul u magacaabay in uu noqdo hormuudka kooxda ee Gobolka ,ka dib dhimashadii Saalix al nabhaan ee maraykanku ay weerar ku dileen Koonfurta Somalia,

Faadil waxa uu culuunta caafimaadka ku baranaayay dalka Pakistan sanadihii Sedeetamadkii ,hase yeeshee wax yar ka dib waxa uu uwareegay barashada diinta ,isagoona waxbarashada dhamaysan ayuu u wareegay Afganistan ,halkaas oo uu ku biiray dagaalyahanadii Muslimiinta ahaa ee dagaalka kula jiray ciidamadii midawga soofiyatii,halkaasi ayaa waxay isku barteen xubno ka tirsan Ururka Alqaacia ,waxana horaantii sagashanaadkii uu yimid dalka suudaan ,oo uu kula kulmay Osama Bin laadin , waxan uu halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo lagu fulinaayo hawlgalada alqaacida ,ee bariga africa ,

Faadil waxa uu ku hadli jiray afafka Sawaahiliga , Carabiga , Fransiska , English ,iyo luqadaha maxaliga ah ee laga hadlo Jasiirada Comoros ,isagoo adeegsan jiray magacyo badan sida Cabdala Maxamed Fasuul ,Abu Sayf al-suudani , Abu Ca'isha , Abu Luqman , Fu'ad Maxamed iyo kuwo kale , dhawr jeer oo hore ayaa ciidamada Kenya iyo kuwa caalamiga ahi isku dayeen inay soo qabtaan amaba ay dilaan ,hase yeeshee ku maanay guulaysan, ilamaa maalintii arbacadii oo ay dileen ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed ,

Waxaa Soo diyaariyey : Omar albashiir