Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Australiya Markay Garan-Waayeen Basarka Iyo Baabka Loo Dhaqo Geela Ku Dhaqaaqay Dabar-Goyntiisa

Monday - June 13, 2011

Golaha barlamaanka dalka Australiya waxaa ka socta dood iyo aaraa ku sal leh in la dabar gooyo Geela baadida aayda miranaaya ee dalkaas ku dhaqan, waxaana la filaya in taladaas talax-taga ee dawladu wadato ay si wada jira ugu guuxaan mucaaradka iyo xisbiga dawlada codsiga ciribtirka Geela iskuna raacaan sida ay u wada dhan-yihiin .. dawlada oo sida muuqata Geela baabkiisa garan la' iyo sida loo dhaqo, waxay ku andacootay in aasaaska dhibka ka jira xaga  biiada' "envieronment" u yahay Geela oo khatar galiyey noloshi xoolaha, daaqa iyo biyaha, isla markaana gaaska naqaska ka baxa u saameeyo caafimaadka dadka, waxaana qorsha dawlada ku jira in qofki neef Geela soo dila la siin-doono lacag u dhiganta 75 $ .

Australiya tirada Geela ugu badan aduunka ayaa ku nool, waxaana lagu sheega tiro-ahaan in ay dhan -yihii laba malyan ku dhawaad, iyadoo la sheego in todobadi sanaba mar ay si xawli ah u si tarmaan kuna faafaan dhul baaxad leh oo dabadeed degaankaa ay ku bataan u noqdo mid khasaara uga timaada dabeecadaha iyo Biiada' dalkaas.

Sida warbixinta dawlada ay sheegeyso Geela dhibaato kuma hayo oo kaliya xoolaha iyo degaanka beeraha, balse dadkii ayu galaaftay oo noloshi biyaha ku criiriyey, iyagoo tilmaamay in hadda ka hor Geel 6000 ah Oon la harjadaya jilaal sulfaday awgi u weerar ku soo qaaday magala la yiraahdo Doker River oo halkaas intey jabiyeen tuubooyinki biyaha ka cabeen illa ay ka wabxeen, dabadeedna halkaas lagula dagaalamay dayaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka oo ku asqeysiiyey hubka darandoriga iyo mishigaano ololaaya.

Geela markiisi hore mudo laga joogo qarnigi hore ayaa waxaa keensaday niman Reer Hindiya ah, Geelaas oo loo isticmaali jiray gaadidka dalkaas, dabadeed marki la helay isticmaalka baabuurta ayaa qiimihi Geela hoos u dhacay illa dadkii dhaqan jiray ay aayda ku si daayeen