Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Itobiya Iyo Maraykanka Oo Soo Dhaweyey Heshiiski Kambala Iyo Farmaajo Yiri Is-Casilimaay

Tuesday - June 14, 2011

Raiisal wasaare Maxamed farmaajo oo maanta shir jaraaiid qabtay ayaa ganafka ku dhuftay inu is casilo isagoo yiri waxaan tixgalinaya talada shacabka mudaharaadaya ee diidan qodobada heshiiska Kambala ,isla markaa xusay inu ka war dhawraayo xubnaha baarlamaanka oo iyana la filaayo iney go'aan ka gaaraan heshiiska inta badan shacabku ka hor yimi.

Dhinaca kale R/wasaare ku xigeenka dawlada Itoobiya Hailemariam Desalegn oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Addis-Ababa ayaa sheegay in kulan gaar ah oo ay wada qaateen R/wasaaraha Itoobiya Meles Zenawe iyo xog-hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Hillary Clinton ay uga wada hadleen dhawr arrimood oo ku saabsan arrimaha amaanka geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.

Hailemariam Desalegn waxaa uu xusay in labada mas’uul ay soo dhaweeyeen natiijadii kasoo baxday shirkii Kampala ay ku gaareen M/weynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kaasi oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in dawlada muddo sanad ah waqtigeeda loogu daro.

Wasiirka arrimaha dibbadda Itoobiya waxaa uu xusay in R/wasaare Meles iyo Hillary ay isla garteen in la taageero dhaqan galinta go’aanadii Kampala isla markaana lala shaqeeyo dawlada KMG ee Soomaaliya.

"Kulankaan waxaa kasoo baxay in Itoobiya iyo Maraykanka ka wada shaqeeyaan dhaqan galinta go’aanadii shirkii Kampala” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Itoobiya Hailemariam Desalegn ahna R/wasaare ku xigeen dalkaasi.