Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mr.Tony Blair Oo Soo Galay Deyrki Islaamka Una Bareeray Inu Noqdo Mu'adinkii Xaq Sheega

Wednesday - June 15, 2011

Raysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair ayaa sheegay inuu maalin walba akhriyo Qur’aanka Kariimka isago sheegay in sababta uu Qur’aanka u akhriyaa ay tahay inuu wax badan ka ogaado dhacdooyinka caalamka, waxuuna tilmaamay in Qur’aanku yahay kan kaliya ee wax ka sheegay dhacdooyinkii taariikheed ee caalamka soo mara.

Mr Blair waxa kale oo uu tilmaamay in Qur’aanku u si fiican u sharaxay habka dawladnimada, guurka haweenka iyo xaqqa uu ilaahay dumarka siiyay ee uu Kitaabka Munasalka ah ku sheegay.

Raysal-Wasaarihii hore ee dalka Ingiriisku waxa kale oo uu xusay in sababta uu Qur’aanka uu u akhriyaa ay tahay Qur’aanka oo ku dhisan nabadgalyo " Sababta aan Qur’aanka aan u akhriyaa waxa weeyaan nabadgalyada uu ku dhisan yahay iyo isaga oo xaq siiyay haweenka.” Ayuu yiri Mr Tony Blair oo u waramay wargeyska Observer Magazine.

Sidoo kale Mr Blair waxa uu amaanay Nabi Muxamed (N.N.K.H), iyo Islaamkaba isaga oo wax ka xusay dhaqanada wanaagsan ee Islaamku leeyahay.

Mr Tony Blair waxa uu ka sheegay qaraxyadii sanadkii 2005-ta ka dhacay Magaaladda London oo uu tilmaamay inay fuliyeen dad aan xilkas ahayni, isaga oo sidoo kalena dhaliilay dadka sheega inay jihaad ku jiraan iyaga oo si qalad ah u adeegsanaya Qur’aanka Munasalka ah ee nabadgalyadda ku dhisan.

Mr Blair oo ka mid ahaa dad wax ka bixiyay lacag qadarkeedu yahay 2 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo loogu tallo-galay in wax lagaga qabto khilaafaadka ka dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iil, ayaa waxa uu xusay inuu rumaysan yahay in guud ahaan dagaaladii wadamada Kosovo, Sierra-Loene iyo Ciraaqba ay ku dhisnaayeen arimo diimeed.