Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mashaaiikhdi Salafiyada Masaarida Oo Ku Baaqay In La Sameyo Taageero Maalinta Sunada Garka

Saturday - June 18, 2011

Qaahira: Culimada idaarada Salafiyada Masar oo talo wada jira meel ku gaartay ayaa ugu baaqday shacabka musllimiinta Masar in ay sameyaan banaan- bax loogu magac daray maalinta Milyanka Garka "Malyuun Lexya" laguna kulmo saaxada Al-Taxriir ee Qaahira iyagoo ku tilmaamay in maalintaas la muujin-doono Sunadi Nabiga SCW ee gar la bixida, waxayna ku taliyeen in biishaan Soon intusan bilaaban shacabku ay muujiyaan Gunadaas ajarka badan ee gar la bixida.

Shiikh Safwat Xijaazi ee ka mida raga aan la dhaafsiin tashiga arimaha dinta iyo dacwada salafiyada sida xooga leh u ilaaliya ku dhaqanka iyo faafinta dacwadaha salifiyada ayaa yiri ma jiraan waqtigaan wax fikirkayaga raad-raaca sunada rabi raali ka yahay hor istaagi karo xurnimada aan haysano awgeed,isagoo yiri horey ayaa nala ku eedeyn jiray argagixiso siiba markii nala ku arko Gar iyo cadeyga afka lagu rumeydo, waa nasiib wanaag ayuu yiri in maanta dhalliyaradi Masaarida cabsi la'aan ku dhaqmayaan sunadi Nabi Maxamed SCW ee gar la bixida, mana rabno ayuu yiri hadal gaalo iyo hadaaqooda ku wajahan la dagaalanka sunada Nabiga

Fadiilat al-digtoor Maxamed Xasaan oo daaci caan ku ah aqoonta cilmiga diinta iyo wacyi-galinta dacwada salfnimadi anbiyada, ayaa isna dhiniciisa ku taageeray fikirka gar la bixida oo yiri, kalimada Sunada waxaa loo hibeeyey habki Nabi Maxamed SCW ku noolaa,waana tixraac labaad ee umada islaamka ka dhinbil qaadato marka laga reebo Quraanka oo kan kowaad ah ,waan jeclaan-lahaa ayuu yiri maalin maalmaha ka mida inaan arko 80-ka milyan ee Masaarida oo gar la wada baxday, waxuuna intaa raaciyey in Gar la bixdu aysan ka hor imaaneyn qawlka ilaahay ee qu'raanka Kariimka, umana arko wax dhiba iney keeneyso hadi mudaaharaad lagu taageero Gar la bixida

Hasa-yeeshe Muftiga Jamhuuriyada Masar Al-digtoor Shiikh Jumca ayaa isagu dhinaciisa aragtida Gar la bixida iyo banaabaxa lagu taageerayo rayi' kawaa ka duwan baxashay oo yiri;  talo-kasta tagoogteeda baa lagu tukuba oo micneheedu yahay xaajo kasta waxay kaga beegantahay in la abaaro waqtiga ay ku haboon-tahay, waxaa diinteenu islaamka nagu calimisay in waxkasta ay leeyihiin kala horeysin,sida la ogyahayna waxaa maanta Masar hortaal arimo culculus oo u baahan wax ka qabasha-dooda sida dhaqaalaha iyo xaga amnigaba taaso walwal ku haysa shacabka Masar, waxuuna intaa si raacshay in alle usan daalacaneyn nooca muuqaalk aad tahay balse u daalacanayo miisaanka niyadaada adoomada, laakiin Shiikha muftiga waxuu raacshay in Sunada garka lala baxo ay tahay wax qofkasta islaama suuragal ahayn inu iska indho tiro