Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Somaaliya Oo Noqotay Dalka 5aad Ee Aduunka Ugu Khatarta Badan Xaga Nolosha Dumarka

Thursday - June 16, 2011

Warbixin ay soo saartay hay'adda Trustlaw oo ka tirsan Thomson Reuters Foundation oo ah garabka samafalka ee wakaaladda wararka ee Reuters, xarumana ku leh Britain iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya noqday waddanka shanaad ee ugu daran adduunka ay haweenku kaga noolaadaan.

Waxa kaloo daraasaddu ku tilmaantay in dhinaca rabshadaha, daryeel-xumada iyo saboolnimada ba’an ay ka dhigtay dalka Afghanistan kan haweenkiisu ugu khatarta badan yihiin caalamka, waxana kaalinta labaad ku jira dalka Congo, halka waddamada Pakistan iyo India ku sii xigaan.

Soomaaliya, ayaa dalka shanaad ka noqday daraasad caalami ah oo lagu sameeyay fahamka laga qabo halista laga soo bilaabo xadgudubyada gudaha qoyska, dhaqaale-xumada, gudniinka iyo weerrarada aashitada ee loo geysto haweenka.

“Dalka Pakistan waxa uga sii daray khatarta dumarka ka cararaya khilaafyada sii soconaya, weerarrada dhinaca cirka ee NATO iyo dhaqanka.” Sidaa waxa tiri Antonella Notari oo madax ka ah dumarka isbeddelka sameeya oo ah koox taageerta ganacsatada yaryar ee dunida oo dhan.

Waxa warbixintu intaa ku dartay in dumarka isku daya inay qabtaan door bulsho ama helaan shaqooyinka sida in ay boolis noqdaan, ama war akhriye inta badan in loo hanjabo ama la dilo.

Hay'adda Truslaw ayaa ilaa 213 khabiir oo ka kala socda shanta qaaradood ka dalbatay inay u kala hormariyaan dalalka adduunka siday u arkaan khatarta ay ka fahamsan yihiin iyo sidoo kale lix qodob oo kaloo la xiriia khataraha ku meersan haweenka caalamka.

Qodobadaasi waxay ahaayeen kuwo muujinaya haliska dhinaca caafimaada, xadgudubka galmada, xadgudubyada kale, dhibaatooyinka la xidhiidha dhaqanka iyo diinta, helid la'aan khayraadka iyo kala gudbinta dadka.

Khubarada qaar waxay xuseen in codbixintu muujisay in khatarta qaarkeed sida xaqiraadda dumarka aanay war weyn noqon dunida, haddana haweenka ula mid tahay bambooyinka, rasaasta iyo dhagxaanta iyo kufsiga ka jira goobaha dagaalka.

SOMAALIYA: Sababaha Soomaaliya looga dhigay dalka shanaad ee ugu khatarta badan ayaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin dhimashada hooyada oo aad u sarraysa, kufsiga iyo gudniinka, waxana soo raaca helidda waxbarashada dumarka, daryeelka caafimaadka iyo ilaha dhaqaalaha oo aad u yar.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee dawladda ku-meel-gaadrka ah ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay hay'adda TrusLaw in ay aad uga yaabtay warbixinta, sababtoo ah inay u haysatay Soomaaliya in ay liiska ugu sare mari doonto. "Haweenayda Soomaaliya ku sugan waxay ugu khatarta badan tahay markay uur yeelato oo nolosheedu 50% halis galayso, waayo ma jiro daryeelka caafimaad ee dhalmada, cusbitaallo iyo xarumo daryeel oo waxtar weyn u leh hooyada.”

Waxa kaloo ay ka hadashay kufsi mar walba dhaca, gudniinka gabdhaha oo Soomaaliya dhan caado ka ah iyo waliba gaajada iyo abaaraha oo ay u sii weheliyaan dagaallada oo qofka dumarka ah u dhiman karto daqiiqad kasta iyo maalin kasta.

Khabiirrada ra'yiga laga ururiyay waxa ku jira shaqaalaha gargaarka, aqoonyahanno, shaqaalaha caafimaadka, siyaasad-dejiyayaal, weriyeyaal iyo khubarro dhinaca horumarinta ah.