Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Inti Hore Miyaad Hurudeen Ma Hadaad Ku Baraarugteen Imtixaanka Idin Haysta Iyo Saladka Abu-Jahalada

Thursday - June 16, 2011

Rag laba kacleeyey ayaa yiri; Nin waliba sidu doorbido wey u banaantahay laakiin xaaladi dalka waxay hadba si u soo gurguurataba kolba dhinac soo dhigataba oo ay galgalataba maanta almtara ayey soo dhaaftay, wixii hore qalad iyo saxba ee umada dhex yiil ha lagu qoro buuga khasaaraha" loss account" yaanu noqon dad uurka ka buka oo reereysan kuna fakaraya wax aan umada u dan ahayn , koleyba maalmaha Sabtida iyo Axadaba ninki seexdaa sacii dibi dhalay,  waxaa caalamka iyo meel-kasto laga dhigaya duufaano banaan-baxyo iyo arjiyo la diraayo oo lagu kala dooranaayo  xulasho aan leexleexasho lahayn oo bulshada Somaali maanta hortaal inu kala doorto Shariifyada Sharka ka talinaaya iyo shacabka Somaaliyeed ee doonaya inu qaranimadiisa badbaadsho.

Shacabka Somaali waxaa maanta hor yaal inu yiraahdo Maya .. Maya Qaran iibinta .. Maya dilka .. No Bad ku Dhimashada .. Maya Dhallinyarada ku quruntay xabsiyada Dibada .. Maya Barakacinta joogtada ah, Kufsiga iyo ihaanada, sicr-bararka ku habsaday saboolka,caafimaadka si xumaanaya, shaqo la'aanta, abaaraha iyo biyo la'aanta oo ay Shariifyada ka yiraahdeen; intaas midna dan kama lihin, mana rabno inaan ogaano 

Arinta lays ku haysto ee laga banaan-baxayo oo qof-kasta ay tahay inu mawqifkiisa qaato waxay tahay ma waxaa la raacaya oo muhim ah raali-galinta labada Shariif oo ku heshiiyey in iyagu kursiga ku si fadhiyaan si dhiiga shacabka Somaaliyeed ugu si qaraabtaan una gataan wax kasta oo Somaaliya la dhaafin-karo, mise waxaan cadawga umadeena dareensiinaa in aqoon iyo ogaal iyo rag wadaninimo damiir leh weli jiraan, aan tijaabino xooga alla nasiiyey si aan ugu luqluqano kun jeer kuwa iyagu na baday qaran la'aan.

Shariif Sakiin isagoo umadda lugta ku walaaqaya ayaa dad badan oo dan ka lahaa ay raadkiisa qoyan masixi jireen, oo ay oran jireen keeba halkaan maray isaga ma aha, maantana waa shariifke waxaa laga haya idinkaa damqanaye gobonimo dan kama lihi ..  Shariif Sakiin beryahaan waa is qar-qarinaya oo sida dad u dhuun daloola laga soo wariyey waxuu ku maqanyahay soo xareysiga khidmadi ugu soo bislaatay soo xero galinta go'aamadi qaran iibsiga ahaa ee Kambala .. wey ku khaldameen weyse ogaayeen khasaaraha u lahaa Shariif Sakiin ragi wadan jiray oo iyagana ha ogaadaan xumaan iyo danuub bey dalka iyo umada ka galeen.

Dameer waa dameer sidii goodirka ha u boode .. Shariif Axmed meeshi u dadka somaaliyeed wax loo qaateen ah ugu sheegi lahaa waxuu isagoo qosol been ah dhoola cadeynaya qiray in xukumadiisu wax wanaagsan sameysay isagoo dantiisa tahay Maska meesha madow loogu soo dhiibay suntiisa nagu dilo, laakiin ujeedadiisa iyo farsamo xumidiisa waxay un ahayd inu ka doonaayey Sharif Sakin inu hal sano kursiga ku sii fadhiyo isagana ogolaado inu meesha ka saaro Maxamed Farmaajo oo noqday Nin hortaagan danaha qolooyinka Shariif Sakiin .. waraabow in aad saamo jiido iyo shanqar tirasho kala daa

Sheekada iminka ma taagna Maxamed Farmaajo iyo sidi tuurtiisa shaqo dib u habeyn lagu sameeyn-lahaa oo taas isaga ay u taala, laakiin warka socda iyo ujeedada kacdoonka waa side hurdada looga kacaa oo dalki iyo midnimadi ku badbaadinaa .. si kastaba oo ruuxa bina-aadamka ihi wax ku raadiyo ilaahay ayaa ugu ballan qaaday inu ku arsaaqo amase siiyo ee wixi dan no ah ilaahayna jeclyahay aan u kacno.

1- Waxaa haboon in naf iyo gacmo la taageero Banaan-baxyaalka meel-kasta ka socda oo la joogteeya illa danta guud laga gaaro

2-In la dalbado in xilka ay baneeyaan labada gShariif maxkamadna la soo taago si doqontaas qaaro u qalma ay ku dhacaan oo cibrad loogu qaato

3-Laga dalbado baarlamaan ku sheega iney wax kama jiraan ku sheegaan heshiis ku sheega Kambala

4- Mahiiga ma daama u lumiyey kalsoonidi shacbiga Somaalida kuna takrifalay awoodi qaramada midoobay, laga qaado xilka u ku magacaaban-yahay ee ah ku qaybsanaha arimaha Somaaliya