Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shiikh Al-Axmar Oo Ku Baaqay Haddi Cali Cabdalla Saalax Soo Noqdo Ay Rabshadihii Soo Noqon-doonaan

Friday - June 17, 2011

Sida laga soo weriyay Shiikh Saadiq Al-axmar -oo ah sheikha (suldaanka)ugu sareeya qabiilada weyn ee ka mida qabaa'ilka ugu waaween dalka Yemen ee AL-XAASHID inuu yiri haduu soo noqdo M/weyne saalax waxay taasi keeni doontaa in dalka fidno iyo fowdo ka dhacdo.
 
Wuxuuna yirii"uma malaynayo ilamana aha inuu soo noqonayo waayo taasi hadii ay dhacdo waxay keeni-doontaa dhibaato weyn iyo isku dhacyo dadka iyo dowlada dhex mara".wuxuuintaa ku daray isagoo yiri" M/weyne Cali Cabdala Saalax inuu jebiyay heshiiskii isaga iyo shiikhii qabiiladan ee dhintay Abdala Al-axmar oo ahaa inaan dhiiga ladaadin laakiin maanta uu daadiyay" wuxuu kaloo dafiray in qabiilkiisu lug kulahaa iskudaygii dilka ee  lagula kacay Md Saalax,isagoo sheegay in wali dhacdadaasi ay cadayn cidii ka danbaysay falkan,waxaana laysla dhexmarayaa in iskudaygan dil ka yimi gudaha madaxtooyada iyo cida isaga ku dhow waa sida hadalka uu u dhigee.
 
Dhanka kale waxaa lagu dawaynayaa M/weyne saalax dalka Sacuudiga in mud ahba kaa soo lagaga dawaynayo dhaawacyo ka soo gaaray werar lagula kacay isaga bishan horaanteedii gudaha xarunta madaxtooyada masaajid ku yaala.
 
Wuxuu kaloo sheegay Al-axmar in waxa ka dhacaya dalka uu yahay kacaan dhalinyaradu wado oo cabasho ee aanu ahayn mid siyaasadeed oo u dhexeeya dowlada iyo mucaaridka Qabaa'ilkuna hubkoodii waxay kaga tageen guryaha iyagoo tegay goobaha iyo banaanada cabasho muujiska ee magaalooyinka dalka iyagoo si nabadgelyo ah oo ay doonayaan inay muujiyaan inuu isbedel dalka kadhaco.
 
Laakiin dhanka kale wuxuu qirtay in qabiilkiisu ka danbeeyen weraro iyo dagaalo lagu qaaday ciidamada dowlada maalmahan kuwaa soo uu ku sheegay inay karaamadooda ku ilaashanayeen iyo sharafta dalka waa sida uu hadalka udhigee..... BySaciid Xaaji cali.........Saciid-Jamal