Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xildhibaano Ka Tirsan Aqalka Barlamaanka Oo Aragtidooda Ka Dhiibtay Heshiski Kambala

Saturday - June 18, 2011

Mogdisho: Mudanayaal barlamaan oo iyagu la sheegay iney ku xunyihiin heshiiska Kambala oo tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan laba boqol ayaa maanta shir ku yeeshay aqalka Golaha Baarlamaanka, waxayna xubnahaas baarlamaanka ay kaga doodeen arimaha ka taagan dalka iyo sidi aragtidooda uga dhiiban-lahaayeen, gaar ahaan heshiiskii labada Shariif ay ku saxiixeen magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Xubnahaas kulanka qaatay dood iyo falaaqeyn kadib waxay arinta heshiiska kambala ka yeesheen hal mida oo aragti ah , iyagoo sheegay inuu heshiiskaasi ka si xun yahay kii dhulka Soomaaliya lagu kala qaybiyey ee ka dhacay magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka , waxayna xildhibaanadaas mawqifkooda ku muujiyeen ineysan shariifyada ka aqbali-doonin heshiiska meel ka dhaca ah .. warka ayaa intaa ku daraya in xildhibaanada diidan heshiiska Kambala ay tiradooda si kordheyso, taaso dhinaca kale laga sheegaayo in xildhibaano u ololeynaya Shariifyada ay iyaguna dhinacooda ka shirinayaan koox xildibaano ah oo la doonaayo iney codkooda iyo aragtidooda ku taageeraan mawqifka Shariifyada.