Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sheeko iyo War Cusub Oo Ka Soo Baxay Duqeynti Dayaaradaha Saldhiga Shabaab Ee Qandal

Thursday - June 30, 2011

Kismaayo: Duqayntii cuslayd ee dayaaradaha Reer Galbeedku ku bartilmaamaysteen saldhig ay Shabaab-ku ku la haayeen degaan-ka la yidhaado Qandal oo ku yaal duleedka Kismaanyo ayaa sababay dhimasho badan, dhaawac, barokac iyo Firxad ku habsaday Al-shabaab.

Koox ka mid ah dadkii reer Guuraaga ahaa ee ka qaxaayey Duqayntii Qandala ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 9 nin oo shan ka mid ahi ay ka soo jeedaan Somaliland Afarta kalena ay ka soo kala jeedaan Yemen iyo Pakistan. Nin magaciisa ku sheegay Cabaas Dhaqane oo warbaahinta Jubooyinka u waramay ayaa yiri sida ay noo sheegeen Raggan la laayey, waxa ahaayeen ciidankii Al-shabaab ee ilaalinaayey saldhigii la duqeeyey, kuwaas jab laxaad leh ku dhacay markii dayaaraduhu duqeeyeen. Nimanku wey soo lumeen oo may garanayn meesha ay ma rayeen iyo degaanka-toona, Markii ay nagu soo baxeen ee ay na arkeen in aanu reer guuraa nahay ayey na amineen nagan codsadeen in aanu cunto iyo cabitaan siino, waxa kale oo ay naga codsadeen in hubka aanu ka iibsano ka dibna gaarsiino Xadka kenya. Isla markii aanu waraysanay hubkiina gacanta kaga dhignay ayaanu qabqabanay garba-duubna u xirnay.

Afartii nin ee ka soo jeeday Yemen iyo Pakistan waanu tooganay Shantii Reer Burco-na Gudmo iyo Warmo ayaanu ku dilay. Mar warbaahintu weydiisay Cabaas dhaqane sababta keentay in Shabaabkii Reer Burco ay si arxan daro ah u laayaan, waxa uu ku jawaabay Cabaas sidii ay wax u dili jireen ayaanu u dilnay...... Waa kuwii Caruurtayada Qarxin jiray, Gacmaha iyo Lugaha Go'yn jiray ee Ku xirnaa Ibrahim Afqaan iyo Ina-Godane.
 
By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist. [email protected]