Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Somaaliya Oo Ruxeysa Calamadi Qaranka Iyagoo Murugo Ka Hayso Dawladnimadi Oo Looga Talinaayo Kampala

Thursday - June 30, 2011

Todobadkaan Somaali meel kasta ay ku nooshahayba, waxay ku jirta maalmo taariikheed oo xanbaarsan dareen kala duwan .. Shacabka Somaali inkasto ay ruxayaan calamadi qaranka somaali oo ay qaadayaan heesihi xornimo-doonka hadan lama moogana murugada ka jirta dawladnimadi Somaali oo maanta looga talinaayo Kambala, Nairobo Iyo Adis ababa.

Arintu Si kastaba ha ahaate munasabada July 1, awgeed ayaa Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay 51-sano guuradii ka soo wareegatay xilligii ay xornimada ay qaateen gobolada Koofureed iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur ayaa caawa waxaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Munaasabadan xafladaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sakiin, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Munaasabadan waxaa sidoo kale dhanka heesaha wadaniga ah ka qayb qaatay hobolada Waaberi iyo Heegan waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay madaxda dowladda kadib markii la saaray calanka xilligii ay ku beegneyd 12:00 saqda dhexe ee habeenimo.