Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Heshiis La Sheegay Inu Dhex Maray Qaacidada Yaman Iyo Tan Somaaliya Joogta

Saturday - July 2, 2011

Dawlada Mareykanka hay’adda u qaabilsan sirdoonka dhinaca Somaaliya ayaa warbixinteeda ku cadeysay in Qaacidada cariga jooga somaaliya iyo tan qaacidada ka hawlgasha Yaman ay ku heshiiyeen iney fikir-ahaan oyo hawlgal-ahaanba ku midoobaan.

Sirdoonka ayaa xog cadeeymo leh ku helay in heshiiskoodaas u muujinaayo in labada dhinacba ay iska kaashan-doonaan xaga tababarada ciidamada iyo war is dhaafsiga

Shabakada TV-ga CNN ee laga leeyahay dalka mareykanka waxaa uu xusay in Al-Qacida ay si weyn u dareentay dilkii Hogaamiyahoodii Osama Bin Laden iyo geeridii wakiilkii Al-Qacida ee geeska Africa Fazul Cabdalla ee lagu dilay bar kontrool, taasoo keentay inuu bilawday wada hadalo hoose oo la doonayo in lagu mideeyo Al-Qacidada Soomaaliya iyo tan Yemen.

Warbaahinta caalamka iyo tan Maraykankaba ayaa maalmahaan ku celceliya warar la xariira inay meelo ka mida gudaha Somaaliya ay u geysteen duqeymo oo ugu yaraan dileen in ka badan 4 ajaanib aan somaali u dhalan oo ay sheegeen iney xiriir la lahaayeen hogaamiyaasha Al-Qacida ee Jaziirada Carbeed.