Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Haweeyney La Mooday Iney Dhimatay Oo Janaazadi Qabriga Ku Toostay

Saturday - July 2, 2011

Moskow: Waxaa la Soo Wariyey hawyney u dhalatay dalka Ruushka oo 49 jira ayaa si lama filaan ah u meyday, dabadeedna markii isbitaalka la geeyey ayey takhaatiirti cadeyeen in ay u dhimatay sababo la xariira wadneheeda oo si kadis ah u joogsaday.

Eheladi haweyneydaas ayaa iyagu isaga qancay warbixinta takhtarki baaray arinkeeda ,oo dabadeed qaadeen meydkii oo geeyeen qabrigi lagu aasi lahaa, hasa ahaate iyado goobti meeydka yiilay janaasadi lagu tukanaayo ayey haweeyneydi meydka ahayd si baraarugsan ku toostay oo aragtay dad ku xoonsan oo ku dul ooyaya,laakiin koomadeedi dib ugu noqotay.

Isla markiiba waxaa loola cararay isbitaalka iyado lala yaabanyahay amurtaan cajabka leh, hasa ahaate takhtarkii loo geeyey ayaa marlabaad yiri qoftaani wey dhimatay ee qabrigeedi ku cesha.

Eheladi gabadha ayaa cadeeyey in meydku sii nooleyd muddo 12 daqiiqo inti isbitaalka loo si waday oo jidka ku sii ruux baxday, waxayna sheegeen iney dacwad lidi ku ah takhaatiirta ku furi-doonaan ma daama iyado nool ay yiraahdeen wey dhimatay oo waxoodaba ay ahayd odoros.